Wasiirka Maaliyadda oo Sheegay In Jiritaanka Somaliland uu Ahmiyad u Leeyahay Gobolka iyo Caalamka ba

0
387

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sharraxaad ka bixiyay qaddiyadda Somaliland iyo muhiimadda ay ugu fadhido Soomaaliya, gobolka iyo caalamka in ay Somaliland nabad ahaato citiraafna hesho.

Wasiir Sacad oo u warramay warsidaha Somaliland Now ayaa sheegay in Somaliland ka noqotay midnimadii Soomaaliya laakiin, aanay ahayn gooni u goosad sida dadka qaar u maleeyaan.

Wasiirka maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka dhawaajiyay in Somaliland xalin karto dhibaatada muddada dheer ka taagan dalka Soomaliya haddii la aqoonsado qadiyada Somaliland waxaanu yidhi “Dadka qaar ayaa yidhaahda haddii Somaliland la aqoonsado waxay dhiiri gelinaysaa gobolada kale ee Soomaliya in ay gooni isu taag doonaan, laakiin anagu cidna kama goosanayno, balse waxaanu nahay dal la midoobay dal kale oo ka noqday midnimidii, hasa ahaatee Somaliland haddii la aqoonsado iyadaa dhibatada Soomaliya dhamayn karta”

Waxa kale oo uu wasiirku tilmaamay muhiimadda Somaliland u leedahay amniga gobolka iyo caalamka isaga oo sheegay in amniga Itoobiya iyo Jabuuti ku xidhan yahay degenaanshaha Somaliland waxaanu yidhi “Marka loo eego caalamka, Berbera waxay ku taalla bogcad aad u istaraatiji ah, haddii aanay ka badqabin Budhcad Badeed iyo Argagixiso waxa istaagaya ganacsiga u dhexeeya Yurub iyo Aasiya, Afrika iyo Yurub iyo inta kale oo dhan.”

 

 

Leave a Reply