Xukuumadda Somaliland oo Lagu Ammaanay Sida Daaha-furan ee ay u soo Bandhigto Bixinta Qandaraasyada

0
389

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan) Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku ammaanay Xukuumadda nidaamka daah-furnaanta ah ee ay u soo bandhigto Qandaraasyada ay bixiyaan Gudida Qandaraasyada Qaranka.

Siciid Maxamed Cilmi ayaa waxa uu u soo jeediyay Golayasha Qaranka iyo Shacabka in ay Xukuumadda ku garabistaagaan sugidda Nabedgalyada dalka, waxaana uu intaasi ku daray in Xukuumadddu Ciidamo xoogan u dirtay deegaanada gobalada bari.

Siciid Maxamed Cilmi oo ka qayb galay dood Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ka yesheen shalay xaalada guud ee dalka ayaa waxa uu hadal kiisa ku bilaabay sidan. “Nabedgalyadu waa arrin u baahan in hareeraha laga wada galo, Xukuumadda xilbaa ka saaran sugida Nabedgalyada, Gobalada Ciidamo waa loo diray, duljoogisna waa lagu hayaa, hadaan gobalada bariga Ciidamada dul joogin ciidan xoog leh ayaa jooga deegaanka Ceelafwayn, markaa Xukuumadda waan ku hambalyaynayaa kaalinta ay ka qaadatay Nabadaynta deegaanadaas.

Golayaasha Qaranka iyo shacabku waa in ay Xukuumadda kala shaqeeyaaan Nabedgalyada oo lagu garab-galo sugida Amniga”.

Xildhibaanka ayaa waxa ku ammaanay Xukuumadda sida daaha-furan ee ay u soo bandhigto Qandaraasyada ay bixiso waxaana uu yidhi “Nidaamka daah-furnaanta ah ee ay imika ay samaysay Xakuumadda qaabka loo bixiyo Qandaraasyada waan ku ammaanayaa, 300 oo Qandaraas oo horumarinta ah ayaa si daahfuran loo bixiyay, waxaana ay sheegeen dadkii Qandaraasyadaa ka qayb galay in ay ogol yihiin oo raali ka yihiin qaabkii lagu bixiyay Qandaraasyadaa, waana markii ugu horraysay taariikhda ee Xukuumaddu samaysay in 300 oo Qandaraas lagu bixiyay si daahfuran”.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu ku ammaanay Wasaarada Shaqo-galinta, Arimaha bulshada iyo Qoyska barnaamijyo shaqo abuura oo ay ka waddo gobalada dalka. waxaana uu yidhi “Adduunyada ma jirto meel ay Xukuumaddu tahay isha ugu wayn ee Shaqo bixinta, waana arrin taagan oo u baahan in laga wada shaqeeyo Shaqo Abuurku, waxaana aan arkayay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo gobalada ku wareegaysa oo warbixin ka diyaarinaysa qaabka dadka loo shaqaalaysiin karo, waana arrin wanaagsan, waanan ku hambalyaynayaa Wasaarada Shaqada Arimaha Bulshada iyo Shaqada”.

Leave a Reply