Waxay Aaminsan yihiin Inuu Duni Kale Tegay!

0
451

Qabiilo ku nool dalka Ghana ayaa dhaqan gaar ah u samaysa qofka ka dhinta. Dhaqankaasi oo ah mid yaab geliya bulshooyinka kale.  Qabiiladan ayaa  caado u leh inay  si gaar ah u ilaalisa qofka dhinta halkii ay ka murugoon lahaayeen ama ka barooran lahaayeen.

Aritan ayay sabab u tahay Qabiiladan oo aaminsan in qofku marka uu dhinto uu bilaabayo nolol kale oo cusub iyo safar kale, taasina ay tahay in lagu kaalmeeyo looguna gargaaro safarkiisa iyo noloshiisa cusub ee uu isagu doortay. Qabiiladan ayaa dadka ka dhinta  u sameeya sanduuq naxash ah oo aad loo qurxiyay kaasi oo loo eekaysiinayo wixii uu ka shaqayn jiray markii uu noola qofkani.

Haddi uu kabaha iibin jiray Naxashka waxa loo ekaysiinaya sida kabta, haddii uu kaluunka ka shaqayn jiray muuqaalka naxashka wuxu noqonayaa mid loo eekaysiinayo kaluunka. Mararka qaarkood waxa loo eekaysiinya wixii uu jeclaa sida Telefoon, dayuurad ama cabista sharaabka gaar ah. Samaynta naxashaka noocan ah ayaa lagu qiimeyaa lacag dhan 500 -600 Doller,  lacagtaasi oo la sheegay inay uga dhiganto dalkaasi mushahar sanad ah.

Leave a Reply