Aqoonta Ma Keento Kibir Iyo Isla Weyni!

0
1613

Markii ay shirkaddu shaqada ka banaan baahisay waxa soo codsaday dad badan.  Markii ay soo dhamaysay xulshadii tirada imtixaanka laga qaadayo ayaa loo sheegay in maalinta berri la qaadi loona soo diyaar garoobo.

Imtixaanka ayaa ka koobnaa 15 su’aalood oo isku mid ah, qof kastaa wuxu ka sheqeeyay imtixaankii. Markii la saxay waxa derejo isku mid ah keenay labada nin Axmed iyo Daahir.   Waxaana u yeedhay markii danbe gudida imtixaanka qaaday oo u sheegtay in labadoodu ay si kasta isku mid u noqdeen oo mid kasta uu ka jawaabay 14 su’aalood, halka midna uu garan waayay.

Waxaana ay u sheegeen inay go’aan ku gaadheen madaama ay si kasta isugu mid nodeen in jagada la siiyo Axmed. Daahirna uu sidaasi ku qanco oo ogaado.

Daahir oo aad u xanaaqay ayaa weydiiyay sababta ay ku doorteen wiilka kale madaama ay isku mid ahaayeen. Waxaana ay ugu jawaabeen su’aasha aad garan weydeen isagu wuxu ku qoray :”  Ma garanayo su’aasha”. Adiguna waxaad ku qortay “ Xitaa anigu ma garanayo” oo ka dhigan hadii aad garan weyday in aanay jirin cid garan gartaaa, iyadoo ay joogaan aqoonyahankiis ku weydiiyay.   Haa. Waa sidaa kibir kugu jira ayaad ku waayi kartaa arrin muhiim.

Leave a Reply