Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka iyo Maamulka Awdal oo Ka Wada Hadlay Adkaynta Nabadgelyada

0
383

Qore Khadar M .Xaashi

Boorama (Dawan) Badhabaasbka gobolka Awdal mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo abwaanduulaha koobaad ee ciidanka Qaranka jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan lagaga hadlayay adkeynta nabadgeliyadda la qaatay gudiyadda nabadgeliyada iyo qaar ka mida madaxda dhaqanka.

Kulankaasi oo muddo badan socday ayaa waxa diirada lagu saaray sidii leysaga kaashan lahaa wixii nabadgeliyada gobolka waxyeelaya, iyo dhameystirka arrin yar oo ka dhacday duleedka magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa warbaahinta la wadaagay waxyaabihii ugu mihiimsanaa ee kulankaasi diiradda lagu saaray waxaanu yidhi “Maanta oo ah maalin Arbaco ah waxa halkani nagu soo booqday General Cabdirisaaq Siciid Bulaale ahna abaanduulaha ciidanka Qaranka Somaliland, iyadda oo aanu kullamo gaargaara yeelaney oo uu ciidanka Jidhi iyo Goroyo Cawl kula soo shiray, kadibna aanu halkan aniga iyo abaanduuluhu aanu odayaal dhaqan oo uu suldaan Saleebaan hogaaminayo halkan kula shirnay, islamarkaana aanu ka wada hadlayney arrimo la xidhiidha adkeynta nabadgeliyada kaasi oo maanta soo dhammaan doona, balan ayaanu kala qaadaney hawshaasina in aanu ilaa maalinta Sabtidda ah soo afmeerno hadii ILLAAHEY yidhaaho”

Abaanduulaha koowaad ee ciidanka Qaranka Somaliland Sareeyo guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale (Af-guduud) oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi  “Kormeer caadiya iyo arrinta nabadgeliyo ayaan u imid taasi oo baryahanba gobolka lagu sheegayay, shalayna dhacdo fool-xun oo jidka la galey ay ka dhacday, arrintaasi iyada ah dhammaan guddidi nabadgeliyada kulan ayaanu la qaadaney, waxaa kale oo aanu la kulaney odayaashi dhaqanka oo suldaanku hogaaminayo kana hor dhicimaayo ee wada hadal iyo rajo wanaagsan ayaanu qabnaa nabadgeliyana waan jecelahay in lagu soo afjaro, arrintaa iyada ah ee meesha taalla mid la sii eegan karo maaha, kana hor dhicimaayo raga meesha joogana waanu wada garaneynaa.”

 

 

Leave a Reply