Laba Sarkaal oo Ka Tirsan Ciidanka Dab-demiska oo Shil Ku Geeriyooday

0
430

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada Dab-damiska Somaliland ayaa ku geeriyooday shil gaadhi oo ka dhacay Duleedka bari ee magaalada Hargeysa.

Waxaana sidoo kale shilkan gaadhi ku dhaawacmay saddex askari oo kale, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha ciidamaa Dabdamiska Somaliland, Axmed Sawaaxili.

Ciidamadan shilka gaadhi ku geeriyooday ayaa ku sii jeeday magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil marki Gaadhi ay wateen uu la dhacay.

Taliyaha ciidanka Dab-damiska Somaliland sarreeye guuto Axmed Maxamed Xasan “Sawaaxili” ayaa si qiiro leh uga hadlay geerida laba sarkaal ee Qaranka ka baxay waxaanu yidhi “ALLE haw naxariisto, shan xubnood oo ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland ayaa gaadhigii ay saarnaayeen uu la rogmadday, waxaa ku nafwaayay laba askari oo kala ah Marxuum Cabdinaasir Cumar Cabdi oo ah hogaan ku xigeenkii caafimaadka iyo Marxuum Maxamed Cilmi Cali oo ahaa hogaan ku xigeenka Isgaadhsiinta, saddexna waa ay dhaawacmeen, waxaan ka tacsiyadeynayaa ciidanka Dabdamiska, ehelkii iyo asxaabtii iyo Qaranka Somaliland ee ay ka baxeen, waxaanu ILLAAHEY uga  baryeyna in uu Janooyinkiisa geeyo”

 

Leave a Reply