Jimicsiga Oo La Ogaadey Inuu Waqtiyada Ku Kala Fiican Yahay

0
1212

Cilmibaadhis ay sameeyeen khubarro ka socotay jaamacadda  Bath University  iyo jaamacadda kale ee Birmingham University ayaa lagu ogaadey natiijadii kasoo baxday in  ay jiraan waqtiyo jimicsigu ku wanaagsan yahay , taas oo jidhka faa’iido badan u tarta.

Natiijada Daraasadan oo lagu daabacay wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in xiliga hore  ama quraacda ka hor  uu yahay xiliga ama waqtiga ugu wanaagsan ee qofku jimicsi samayn karo, iyada oo uu jimicsigaasi gubaato duxda ku jirta jidhka qofka.

Daraasadan ayaa intii ay socotay waxa tijaabo lagu sameeyey ilaa 30 nin oo buur buuran ama jidhkoodu culus yahay , iyada oo muddo lix toddobaad ah loo qabtay in ay jimicsi ku sameeyaan, gaar ahaana xiliyada hore ee subaxdii ah  inta aanay quraacan , waxaana loo kala qaybiyey laba kooxood oo kooxna lagu amray in ay quraaxda ka hor jimicsadaan, qolona lagu amray inay quraacda ka dib jimicsadaan.

Kooxda Daraasadan samaynaysay ayaa sheegtay in natiijadii kasoo baxday ay noqotay mid muujinaysa  in kooxdii lagu tijaabiyey in ay jimicsadaan quraacda ka hor ay si weyn uga dhacday qayb culayskii jidhka saarnaa ah, culayska ka dhacayna uu noqday laba saddex meelood marka loo qaybiyo culayskaa laba kamid ah,  halka ay kooxdii kale sidoodii iska ahaayeen .

“ kooxda samaysay  quraacda ka hor jimicsigu waxa ay lumiyeen culays badan, waxaanay isticmaaleen Insulin badan, iyada oo aanay qoladii labaad ee quraacda ka hor jimicsiga samaynaysay aanay waxba iska bedelin”. Ayuu yidhi  Dr Japir Gonzalez.

Cilmibaadheyaashan ayaa sheegay in ay filayaan in isbedelkan deg dega ah ay keentay maadada Insulin-ta oo subaxda hore saraysa , sidoo kalena  kalena kacsan, taas oo meesha ka saartay duxdii badnayd ee jidhka ku jirtay, waxa kale oo ay cadeeyeen in xiliyada habeenkii ay ay jidhka ku yar tahay Insulin-tu madaama oo aanay dadku waxba cunin ee ay seexdaan, halka ay subaxdii markay soo toosaan kor usoo kacdo, dadkuna ay tamar ahaan u isticmaalaan Duxda iyo Insulin-taba.

Cilmibaadheyaashani waxa ay sheegeen inay daraasadan  ku sameeyeen ragga oo keliyaata, laakiin ay u baahan yihiin in ay dumarkana ka sameeyaan.

Leave a Reply