Fargal Lagaga Maarmi Karo Taleefanka Gacanta Oo Suuqyadda Technology-yadda Kusoo Biiray

0
882

Fargalkan MOTA Smart Ring ayaa ah mid aad aduunka  kala soconayso adiga oo aan u baahnayn taleefankaaga gacanta marnaba.

Waxa uu lee yahay Muraayad yar, taas oo aad si fudud uga arki kartid wax walba oo aad u baahnayd in aad ka aragtid taleefankaaga gacanta, waxaana lagu xidhayaa taleefankaasi, iyada oo loogu xidhaayo hab Bluetooth ahaan ah.

Qofka fargalkan xidhani waxa uu awood u lee yahay in uu la socon karo Facebook-giisa, Twitter-kiisa, isaga oo akhrisan kara waraaqaha ugu soo dhaca Emailkiisa, isaga oo gacantiisa ku xukuumaaya,isaga oo qofku taabanaaya shaashada yar ee fargalkaas ku taala, waxa kale oo uu qofku ogaan karaa cid walba oo soo wacda ama soo garaacda taleefankiisa gacanta, isaga oo aan taleefanka eegin.

Dhinaca kale waxba kama tari karaan Biyaha iyo dhididka qofkuba, iyada oo aad loo adkeeyey Shaashada fargalkaasi, waxaanaad qoraalka kugu soo dhaca ku akhrisan kartaa gurigaaga dibadiisa ama adiga oo cad ceeda taagan, mana aha Fargalkan oo keliyaata ee fargalo badan oo kale ayaa la socda, iyada oo aad mid uun ka isticmaalaysid.

Fargalkan ayaa awood u leh in uu la shaqeeyo dhaq dhaqaaqaaga , waxaanu awood u lee yahay in uu ogaado waxyaalaha uu jidhkaagu u baahan yahay ,sida Barootiinta oo kale, dhididka ka baxay jidhkaaga ee cad ceedu ka saartay iyo garaaca wadnahaaga , gaar ahaana xiliyada aad orodka samaynaysid, waxaan oo dhana waxa uu kala soconayaa farahaaga.

Waxa uu Fargalkani u noqday dad badan saaxiibkooda kowaad ee maalin walba weheliya, iyada oo lagu seef garaysan karo jadwalka Jimicsiga ee maalinlaha ah ,isaga oo ogaysiis iyo xusuusin kugu soo diraaya Taleefankaaga gacanta haddii aanad xidhnayn, si uu ku xusuusiyo marwalba waxyaalihii ku qorshaysnaa, waxa kale oo uu ka caawin karaa in aad waxyaalo badan akhrisan karto iyo in aad jidhkaaga dhisi kartid, waxa kale oo uu ku sheegi karaa xadiga biyaha ah ee aad u baahan tahay in aad cabtid.

Fargalkan ayaa kusoo biiraaya qalab sannadihii ugu dambeeyey uun soo baxay oo ay dadku waqtigan aad u isticmaalaan, waana qalabkii ugu dambeeyey ee soo baxa , habkana loo isticmaalo.

 

Leave a Reply