“Ninkii Waashmaanka ka ahaa ayaa maanta Dhulkii Sheeganaya Madaxweynuhuna ma Geyo Ceebayn.”Xildhibaan Xasan Shahar

0
434

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Xildhibaan  Xasan  Cabdi  Cali  Xasan    Shahar oo ka mid ah   xildhibanada golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa ahna  guddoomiye ku xigeenka  dhulka  ee  degmada   Hargaysa,ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin warar ceebayn ah oo meel ka dhac ku ah sharafta Madaxweynaha qaranka iyo karaamada ummadda Somaliland oo lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland dad dhul ku haysto.

Waxaanu intaa ku daray in dhulkaasi uu yahay dhul Beer ah oo caan ah oo la wada garanayo isla markaana 2011-kii xayiraad la saaray oo wali xayiran kuna dacwoonayo waashmaan heshiis nootaayo oo sharci ah la galay Ilma Biixi Cabdi heshiiskaas oo ay ku caddahay in dhulkaa uu waash maan ka yahay waxna lagu siiyay.

Waxaanu xildhibaanku sheegay in dhulkaas oo xariyaaddii ay saaran tahay in  habeen madaw sandaqad laga taagay ka dibna ciidanka booliska oo fulinaya sharcigii xayiraadda dhulkaa saaranina in ay sandaqaddii dumiyeen soona xidheen ciddii dhistay.

Waxaanu meesha ka saaray in muranka dhulkaa ka taagan uu wax lug ah ku leeyahay madaxweynaha qaranku halkaan ay ka taagan tahay dacwad u dhaxaysa waashmaanka iyo ciddii uu hesiiska la gala taana uu ka war wareegayo.

Xildhibaan Shahar oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi  “Waxaan arkayay dad la soo ururiyay oo cabanayay oo halkii  Grand  Haad dabadiisa  leh  dhulkii ayaa lanaga qaadayaa    waxaana  dhinacyada  isku haystay  dhulkaa laga  xayiray   sideed sanno ka hor  oo ay  xayiraadaasi  soo baxday,waxaana ay ahayd  sannadkii    2011kii waana  meel  xayiran  oo  aanay jirin  wax fayl ah oo ay ka samaysay  Dawlada  Hoose,meeshaasi way xayirantahay   habeennimadii  Jimce ayaa laga dhisay meeshaas  sandaqad.iyadoo la jabinayo  xayiraadii  saarnayd   boolisku talaabadii  Sharciga ahayd ee ku haboonayd ayay qaadeen    iyagoo ku ilaalinaya  Xayiraadii la saaray ciddii waxaas samaysayna   way soo xidheen,”.,

Xildhibaanku ayaa sheegay in Axmed Cabdi Guuleed waashmaan ka ahaa dhulkaas uu sheeganayo.waxaana  uu yidhi“Axmed  Cabdi guuleed  2001 ilma  Biixi   Cabdi heshiis ayuu la galay nootaayo oo  Sharciya  waash maan ayuu ka ahaa dhulkaas waa beer la yaqaano oo caan ah  waxaana  heshiiskaasi  tilmaamayay  in afar baloodhna la siiyay  dhulkaana isagu ka yahay waashmaan,Maanta waa dhibane ninkii  waashmaanka ahaa ayaa maanta ah ninkii dhulka lahaa  dad faro badan ayuu wax ka iibiyay qaar kaloo xigtadiisa ah ayuu yidhi dega dhulkaas,waxa  aan arkayay  iyadoo Madaxweynaha lagu xagxaganayo dhulkaas isagoo  Guddoomiyaha  Kulmiye aan ahayn   ayay dacwadaasi socotay waxaana  la doonayaa  ee   Madaxweynaha loo ceebaynayaa  in umadda  sharafteeda lagu ciyaaro,cidday  dacwadu  ka dhaxayso  ayay  wax la wadi la haayeen,”.

 

Leave a Reply