Aroosyada Farxadda Iyo Khasaaraha Kulmiya!

0
523

Bulshada dalka Giriga ayaa weli aaminsan caado yaab leh oo ay sameeyaan wakhtiyada aroosyada iyo munaasabadaha kala duwan ee caamka ah.  Caadadan ayaa ah inay dadkaasi burbriyaan weelka iyo suxuunta wax lagu cuno iyagoo u burburinaya sidii qof waalan oo kale wakhtiyada xafladah. Waxaana burburintaasi ka dhacada xataa huteelada xafladaha lagu qabto iyo goobha kale ee la isugu yimaado. Huteelada xafladaha lagu qabto ayaa iyagu ugu talo gala burburinta ka dib marka la dhergo.

Kooxaha cilmi nafsiga aha aya sheegay in caadadani ay door weyn ku leedahay inay debciso werwerka ka dhasha shaqooyinka. Waxa kale oo ay sheegeen inay cadaadani ka soo jeedo dhaxalkii Girigiiga hore kuwaasi oo iyagu aaminsanaa haddii wakhtiga xafladaha iyo aroosyada weelka la jebjebiyo ay keenayso nasiib wanaagsan isla markaa ay ka fogaynayso  Jimanka iyo sharkooda. Waxa kale oo ay aaminsanaayeen inay tahay farxad iyo nolol wanaagsan , dadka daynta lagu leeyahay ayaa iyana sidan sameeya iyagoo aaminsan inay awoodayaan inay iska bixiyaan daymahaasi.

Caadadan aya laga isticmaal Giriiga ilaa wakhtigan la joogo inkastoo dawladu soo saartay sharci lagu joojiya sanadkii 1969 , haddana aaminadan ayaa ka xoog badatay sharcigaasi, taasi oo keentay in dawladda laftigeedu rukhsado usiiso huteelada in lagu samayn karo cadaadan waalida ah ee gabowday taasi oo kulmisay farxad iyo khasaare joogto ah.

Leave a Reply