Aduunyadu Waa Maalmo Kooban!

0
1844

Nin munaafaq ah ayaa soo maray Rasuulka Allah (scw) isagoo asxaabtu balan kula gelayaan geed hoostiisa, waxaana uu yidhi awrkayga oo aan helo ayaan anigu ka jecelahay balankiina. ” Rasuulka Allah (scw) aya yidhi dhamantiin waa la idiin denbi dhaafay ninkaasi mooyee”. Ninkan hamigiisa ayaa ah mid kooban oo aduunyo.

Ka yeel hamigaaga mid keliya oo ah la kulanka Allah (sw) iyo caalamka danbe . Wixii intaasi ka danbeeya way dhib yar tahay. Aduunyada shaqadeed, derajadeeda, dahabkeeda, lacagteeda, caruurteeda, sharafteeda, caanimadeeda, fooqyadeeda waxba  kama ah Aakhiro”.

Allah (sw) ayaa ku sifeeyay Munaafiqiinta inay ku hamiyaan naftooda oo keliya, calooshooda iyo rabitaankooda aduunyo mana laha hami ka fog intaasi. Qofka muslinka ahi wuxu leeyahay higsi ka durugsan kana danbeeya caalamkan, waana uu ogyahay in aduunyadu tahay maalmo kooban.

Leave a Reply