Biyaha Iyo Caafimaadka!

0
2705

Jidhka  qofka dhalinyarada ah ayay 70% biyo yihiin, halka dadka waaweyna ay 50% biyo yihiin, iyadoo caruurta yaryarna uu jidhkoodu 80% biyo yahay. Sidaas awgeed biyuhu waxay noqdeen wax aanu ka maarmi Karin qofku. Iyadoo qofka biyo cabista badani uu ka caafimaad badan yahay kan yaraysta. Jidhka oo dhami wuxu ku sheqeeya biyahaasi iyadoo dheefshiidku uu yahay kan isticmaala biyo badan si uu u burburiyo raashinka.

Sidaas darteed Faa’iidooyinka ay leeyihiin biyaha la cabo guud ahaan gaar ahaan salaadda hore , oo qofka  calooshiisu madhan tahay oo aanu quraacan ayaa la cadeeyay inay leedahay caafimaad badan iyo inay weliba dawayso xanuuno badan oo dhib ku haya aadamiga.

Sida ay cadeeyeen dhakaahtiir iyo aqoonyahano Japan u dhashay waxay sheegeen in biyaha la cabno ka hor quraacada marka aad hurdada aad ka toosto ay daweeyaan xanuuno badana oo ay ka mid yihiin : Xanuunada madaxwareerka joogtada ah,  garaaca sare ee wadnaha, suuxdinta ama dhicitaanka badan ee qofka,  xanuunada ku dhaca kaadi amreenka, taydfodhka , shubanka, kaadi macaanka, bawaaisrta iwm.

Waxa kale oo yaab noqotay in dhakhaatiratni ay soo saareen maalamaha aad u baahan tahay inaad cabato biyaha ka hor quraacada kuwaasi oo mid kasta ay siiyeen muddo u go’an oo xanuunka ay danawaysno. Waxaana ay sheegeen inay xanuunada badankooda aya kaaga filan tahay muddo bil ah inaad cabto subaxda hore biyahaasi sida dhiig karka, macaanka iyo xanuuno kale oo ay ka mid yihiin kelya xanuunka iyo beer xanuunka ama jooniska.

Leave a Reply