Guddoomiyaha Gobolka Hawd oo ka Hadlay Dad u Geeriyooday Dhir Dawo Ahaan loo Siiyay iyo Tallaabada ay Qaadeen

0
515

“Isla markii dhacdada nalagu soo war geliyayba waanu ka hawl galnay laba nin ayaana u geeriyooday.”

 

“Labada meeloodba nin keliya ayaa dadka wax siiyay oo yidhi waan idin dawaynaya.”Guddoomiyaha Gobolka Hawd Waraysi gaar ah

 

“Dhanka Kaam Haashin-na waxaa laga keenay 3 qof oonu gurmad caafimaad ugu samaynay Cisbitalka Balligubadle.”

 

 

 

Qore Faysal Xiis Afgaab

Balligubadle (Dawan):- Guddoomiyaha Gobolka Hawd Yaasiin Maxamed Shide, ayaa ka hadlay laba dhacdo oo dad ku sumoobeen, isla markaana sababtay geerida laba nin, kadib markii nin uu siiyay wax uu ku sheegay dawo dhaqameed.

Waxaanu intaa ku daray in markii lagu soo war geliyay labada dhacdo mid ahaan oo ka dhacday deegaanka loo yaqaan Kaabada Galbeed oo ka tirsan gobolka Hawd in ay ka hawl galeen, isla markaana soo qaadeen dadkii halkaa ku sumoobay, soona qabteen ciidanka booliska gobolka Hawd ninkii dadka siiyay sunta dhimashada iyo dhaawaca sababtay.

Waxaanu intaa ku daray in ay gurmad caafimaad u sameeyeen 3 qof oo isla ninkaasi uu ku soo siiyay suntaas oo kale magaalada Kaam Haashin oo ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ka dib markii 3-da qof la soo gaadhsiiyay cisbitaalka Balligubadle, dawayn iyo gurmad caafimaad oo loo sameeyay ka dibna ay u soo gudbiyeen cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Waxaanu guddoomiye Yaasiin uu tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen labada Marxuun.

Guddoomiyaha oo dhacdadaa uga warramay wargeyska Dawan, ayaa yidhi. “Dhacdo naxdin leh ayay ahayd oo laba nin ku geeriyoodeen, dad kalena ku dhaawacmeen, waxaana sababay nin ah dadka sheega in ay dhirta wax ku daweeyaan ayaa u soo hoyday reer yaalla kaabada Galbeed ee gobolka Hawd, ka dibna wuxuu ku yidhi idinka iyo geeliinuba waad sixran tihiin oo dawo ayaad u baahan tihiin, waxaanu siiyay wax uu isku dar daray oo uu dawo dhaqameed ku sheegayay, waxaa isla habeenkaa reerka usoo hoyday nin baadidoon ah oo Geel ka lumay oo isna wixii cabbay, halkaana waxaa ku dhintay ninkii baadidoonka ahaa iyo nin ka mid ah qoyskii loo soo hoyday, isla markii dhacdada naloogu soo qayliyayba waanu ka hawl galnay oo dadkii ayaan u gurmanay labada nin ee geeriyooday mid markiiba goobta ayuu ku geeriyooday oo naf kumaanu gaadhin ka kalena dhexda ayuu ku geeriyooday laba qof oo kalena dhaawac ayay noqdeen oo markii sayloono lagu xidhay ee caloosha la dhaqaajiyay, ayaan dhanka cisbitaalka guud ee Hargeysa, aanu u soo dirnay.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa ku daray. “Isla markiiba waxaanu hawl galinay ciidanka booliska gobolka Hawd oo ninkii dadka wax siiyay gacanta ku soo dhigay, waxaanan u soo gudbinay caasimadda oo Hargeysa ayuu ku xidhan yahay.”

Guddoomiyaha Gobolka Hawd waxaa kale oo uu ka hadlay 3 dumar ah oo isla ninkaasi wax siiyay oo ku sumoobay magaalada Kaam Haashin oo ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana ay gobolka Hawd xad leeyihiin oo dhanka xarunta Balligubadle loola soo cararay oo ay gurmad caafimaad iyo wadayn deg deg ah u sameeyeen.

Waxaanu yidhi. “Waxaa kale oo jira 3 dumar ah oo iyagoo aad sakaraad u ah laga soo qaaday dhanka magaalada Kaam Haashin oo ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya isla markaana gobolka Hawd ay xad wadaag yihiin, dumarkaas oo isla ninkaa dadka ku sumeeyay Kaabada Galbeed uu iyagana wax siiyay oo sumeeyay, sadexdaa dumarka ah oo aad u xanuunsanayayn waxaanu gurmad caafimaad ugu samaynay cisbitaalka Balligubadle oo sayloono badan ayaa lagu xidhay oo suntii ayaa laga badhxay calooshana waa la socod siiyay, ka dibna dhanka cisbitalka guud ee Hargeysa ayaan u soo gudbinay, markaa imika waa shan qof oo dhaawac ah iyo laba nin oo geeriyooday.”

Guddoomiyuhu waxaa uu farriin u diray dadweynaha gobolka oo uu uga digay in aanay wax kasta iska qaadan oo aanay dawo u doonan cid aan dhakhtar ahayn, waxaanu yidhi. “Waxaynu leenahay xarumo caafimaad oo dawli ah oo shaqeeya, waxaa Balligubadle ku yaalla cisbitaalkii oo shaqaynaya, waxaa jira intaas oo Dhakhtar oo gobolka iyo deegaanada kaleba ku sugan, markaa waa in dadku ay iska daweeyaan dhakhaatiirta oo wax kasta oo loo sheego aanay iska qaadan.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay ninka dadka wax siiyay halka uu ka yimi, ayaa sheegay in ninku uu deggan yahay gobolka Hawd isla markaana uu sheego in uu dawo dhaqameed wax ku daweeyo isaga oo intaa ku daray in aanu ahayn nin xarun loogu soo hagaalo leh balse uu iska socdo oo marba reero u hoydo.

 

Leave a Reply