Maxkamadaha Shiinaha Qaar Kamida Oo Lamaanaha Is Furaaya Ka Qaadaaya Imtixan

0
582

Maxkamad ku taala gobolka Sichuan ayaa kusoo rogtay dadka is furaaya inay galaan Imtixaanka, kaas oo loo eegaayo buundo haddii ay gaadhaan ay kala tegayaan , haddii ay gaadhi waayaana ay wada joogayaan.

Gobolkan oo uu ku batay furiinku ayaa xalka keliyaata ee loo helay uu noqday in Imtixaan laga qaado laba qof oo kasta oo is furaaya , iyada oo uu fikirkan lahaa garsoore lagu magcaabo Wang Shiyu oo maxkamadaasi ka shaqeeya.

Imtixaankan ayaa loogu talo galay inuu Furinkaasi dhimo ama yareeyo, iyada oo labada lamaane ee is furaaya la weydiinaayo su’aalo  kala duwan, waxaanay su’aalahaasi uga jawaabayaan si gaar gaar ah oo aanay meel wada joogin ama is ogayn, waxaanay noqonayaan kuwo la ogolaado inay is furan haddii ay gaadhaan derajada 60 ka, haddii ay ka hooseeyaana way isa sii qabayaan.

Imtixaankan laga qaadaayo qoysaska is furaaya ama doonaaya inay kala tagaan ayaa ka koobnaanaaya ilaa saddex qaybood, kuwaas oo loo dhigay sida imtixaanaadka caadiga ah ee laga qaado Jaamacaddaha iyo Dugsiyadda, waxaana ku jira  Su’aalo koob kooban oo gaagaaban, faallooyin su’aalo la socdaan,  iyo Buuxi meelaha banaan.

Waxaana imtixaankaasi si toos ah ula wareegaaya marka la dhameeyo garsooraha, kaas oo isaguna bixinaaya buundada ama natiijada Imtixaankaasi, iyada oo ay jiraan dad kale oo lagu qanciyey in ay isa sii qabaan ama wada joogaan imtixaankaasi ka dib.

Dhacdadan ayaa soo jiidatay caalamka , iyada oo warbaahinta kala duwani qoraalo ka samaysay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

 

 

Leave a Reply