Qabsoomida Doorashooyinka Waxaa Caqabad ku Ah Hogaanka Xisbiga Wadani

0
433

Eng. Cabdiqaadir Xuseen (Cabdibayol)

Xukumada Jamhuuriyada Somaliland waxay diyaar u tahay in dalkan doorasho ka dhacdo oo ka qabsoonto, marwalba doorashooyinka waxaa caqabad ku ah hoghaanka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo marwalba ku marmarsiyoonaya wax aan micno lahayn oo la qaadan Karin, balse midi midi ku taag ah oo melo kale gacan looga haadinayo.

Xisbiga Waddani wuxuu soo jeediyay oo uu marmarsiyo ka dhigtay kuma kalsooni komishanka doorashooyinka qaranka hada jira, dood dheer iyo kulumo badan kadib gudoomiyayasha saddexda xisbi qaran waxay ku heshiiyiin in komishanka 9 xubnood laga dhigo lana horgeeyo golaha wakiilada JSL, haddii golaha wakiiladu ansixin waayana in xubnaha barlamaanka cusub la horkeeno 2-da xubnood ee lagu darayo 7-dii xubnood komishanka ee hore u jiray.

Heshiiskii Gudomiyayasha ee u dhignaa in 9 xubnood laga dhigo xubaha komishanka cusub iyadoon la horgayn golaha wakiilada ayuu halka ku joogsaday kadib markii la taliyaha sharciga ee golaha wakiilada uu soo jeediyay in aanay arrintaasi sharciga waafaqsanayn, heshiiskaasina sidaas ayaanu ku buray.

Xisbiga Waddani wuxuu hadana marmarsiiyo ka dhigtay xubnihii cusbaa ee uu madaxwaynuhu soo magacabay xubnaha cusub komishanka doorashooyinka qaranka iyaga xisbiga Wadani marmarsiiyo iyo waxan jirin ka dhigay in xubno ka mid ahi ay ka tirsanyihiin xisbiga Kulmiye iyo xubin hore oo komishanka doorashooyinka hada jira ah.

Sheekada hogaanka Xisbiga Waddani waa taydana yaan laga hadlin, kuwaan doonana waan ka hadlayaa, xubinta uu soo magaacabay xisbiga Waddani waa shakhsi ama xubin aad u firfircoon oo ka tirsan xisbiga Waddani, xubintaasina waa shakhsiyaadka ugu dhow gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro, waana maskaxda looga daba fadhiisto xisbiga Waddani qayba UK.

Xisbiga Wadani wuxuu waraaq u diray beesha caalamka, waraaqdaas oo ujeedadeedu tahay ku beesha caalamka, waanu hakinay xubintayadii komishanka, hadaba waa yaabe xisbiga Waddani ma beesha caalamka ayuu u shaqeeyaa, waana aqoon la’aanta iyo ayaan darrada haysta hoggaanka xisbiga Waddani.

Ayaan darada iyo aqoon la’aanta haysta oo sabab u tahay in masuuliyiinta xisbiga Waddani aanay maskaxdooda ka bixin xanuunka iyo xumada ay lahayd guul daradii ay kala kulmeen doorashadii madaxtooyada ee xisbiga Kulmiye ku guulaystay 2017.

Xisbiga Waddani waxaas oo dhan wuxuu u samaynayaa iyagu qabsoomida doorashoyinka dan kama laha ee waa ku xumayn ay ku xumaynayan masiirka shacabka Jamhuriyada Somaliland iyo xukumada madaxwayne Muse Biixi Cabdi.

Ugu dambayn xukuumada Jamhuuriyada Somaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Muse Biixi Cabdi waxaa ka go;an in dalkan doorasho ka dhacdo.

Saddexda xubnood ee uu madaxwaynuhu u soo magaacabay komishanka doorashooyinka qaranka cusub, waa sharci, waxaanu madaxweynuhu u soo xulay xubno aqoon iyo tayo leh oo lagu halayn karo masiirka ummada ee doorashooyinka qaranka Jamhuuriyada Somaliland .

Ansixinta iyo diidmada xubnaha komishanka waxaa go’aankeeda leh golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland oo awood u leh dastuurkuna u banneeyay.

Eng. Cabdiqaadir Xuseen (Cabdibayol)

+252634243732

Leave a Reply