Badhasaabka Gabiley oo Furay Kulan Ku Saabsan Isku Duba Ridka Mashaariicda GPLG

0
487

Qore Khadar Cabdi Muuse

Gabiley (Dawan): Badhasaabka gobolka Gabiley ayaa shalay furay kulan hawleed ku saabsan isku duba ridka nidaamka kor loogu qaadayo mashaariicda maamul daadejinta GPLG ee ka socda gobolka Gabiley.

Kulan hawleedkaasi oo ka furmay hudheelka Bookh ee magaaladda Gabiley, oo socday hal maalin waxaa soo qaban qaabisay dawladda hoose ee degmadda Gabiley.

Waxaana goob joog ka ahaa maayarka Gabiley iyo xubno ka tirsan golaha degaanka iyo sidoo kale guddoomiyeyaasha degmooyinka Arabsiyo, Wajaale, Alaybaday iyo Geed Balaadh.

Iyadoo sidoo kale-na ay ka joogeen qaar ka mida isu-duweyaasha wasaarradaha dawladda u jooga gobolka Gabiley.

Kulankaasi ayaa la isku waydaarsaday xogaha ugu haboon ee lagu meel marin karin in degmooyinka gobolka Gabiley laga qayb geliyo mashruuca GPLG-ga iyo in ay helaan maamul daadejin taabo gal ah.

Waxaana la sheegay in kulankaasi uu noqon doono mid saddexdii biloodba mar la qaban doono, si looga wada tashado mashaariicda horumarineed ee gobolka.

Badhasaabka gobolka Gabiley oo furay kulan hawleedkaasi ayaa tilmaamay in la doonayo sidii loo daadejin lahaa adeegyadda ay bulshadu u baahan yihiin, min degmo ilaa tuullo.

Badhasaabka oo arrimahaas faahfaahinayayna waxa uu yidhi “Xeer LN. 23 ayaa dhigaya in degmo waliba ay hoosta ka soo dhisto, oo ay la wareegto adeegyadda ay u baahan yihiin bulshadu, oo hoos loo sii daadejiyo adeegyadda ay bulshadu u baahan yihiin.

Si ay noqdaan adeegyo gaadha min degmo ilaa tuulo, ilaa heer gobol, wax isku xidhan ay noqdaan. Aad iyo aad baan u bogaadinayaa in degmooyinkii oo dhan ay halkan isugu yimaadeen, maamul daadejintiina la wado”.

Maayarka degmadda Gabiley Maxamed Cumar Cabdi, ayaa isna sheegay in u jeedadda laga leeyahay kulankaasi ay tahay sidii la isku faaqidi lahaa halka ay marayaan mashaariicda maamul daadejinta ee degmooyinka gobolka ka socda.

Waxaanu yidhi “Shir hawleedkani waa mid aan ugu tallo galnay in la isku duba rido ama kor loogu qaado mashruuca maamul daadejinta ee ka socda gobolka Gabiley, oo qaybaha kala duwan ee mashruucaasi uu khuseeyaa ay isku waydaarsanayaan xog.

Haddii ay tahay wasaarradaha, degmooyinka iyo haddii ay tahay hay’adaha-ba, ayna iska xog waraysan doonaan wixii qabsoomay iyo waxa qorshaysan iyo qolo waliba halka ay marayaan iyo hawlaha siday u wadaan”.

“Waxaanan rejaynayaa in ay ka soo baxaan mustaqbalka, in aynu isla qaadano saddex bilood ama afar bilood, kolba ka aynu isla qaadano in uu joogto noqdo, si kor loogu qaado barnaamijka maamul daadejinta.

Waxaana imika si toosa Gabiley uga shaqeeyaan caafimaadka iyo waxbarashadu. Iyadoo aynu mustaqbalkana rejaynayno in adeegyadda kale-na ay soo galaan”ayuu yidhi maayarka Gabiley.

 

Leave a Reply