Hay’adda SVO oo Laascaanood Kaga Dhawaaqday Qorsheyaal Bulshada Farxad Geliyay iyo Maamulka Gobolka oo ka Hadlay

0
799

Qore: Faysal Axmed Kaarshe

Laascaanood (Dawan):- Hay’adda Waddaniga ah ee (SVO),ayaa xarunta gobolka Sool ee Laascanood kaga dhawaaqday qorsheyaal horumarineed oo bulshada gobolka farxad geliyay.

Maamulka Hay’adda SVO,ayaa sheegay hirgelinta laba qorshe oo ah in ay kooxda ku guulaysata koobta kubadda cagta ee tartankiisu ka socdo Laascaanood in ay u qaadi doonaan dalka deriska aynu nahay ee Itoobiya oo ay u geyn doonaan si ay ugu soo ciyaaraan ciyaaro saaxiibtinimo oo dhex mara kooxaha ka dhisan Jigjiga Xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaa kale oo maamulka Hay’addu uu ku dhawaaqay in ay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood in ay ku qabanayaan bandhigga Buugaagta Laascaanood.

Shir warbaahinta ay wada jir ula hadleen Maamulka Heer gobol degmo iyo maamulka Hay’adda SVO oo Laascaanood ka hadlaty ayaa waxaa ugu horrayn halkaa ka hadlay Maayerka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale oo soo dhaweeyay qorsheyaasha dhanka horumarinta arrimaha bulshada ah ee y Laascaanood ay ka waddo hay’adda SVO,waxaanu ku bogaadiyay diyaarinta iyo qaban qaabada ay ugu jirto barnaamij caalami ah oo degmada Laascaanood lagu qaban doono kaas oo sumcad wayn u ah Laascaanood,gobolka Sool ba.

Barnaamijkaas oo ah, LASCANOD BOOKFAIR bandhigga Buugaagta Laascaanood.

Maayerka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. ” waxaanu si aad ah ugu mahadcelinaynaa hay’adda SVO iyo qorshayaasheeda, iyadoo labada qorsheba muhiimad weyn degmo ahaan ay noo leeyihiin, iyada taariikhda markii 1 aad magaalada Laascaanood lagu qabanayo ”Lascanod Bookfair” oo qabsoomi doona 10 decembar, qofkii ALLE gaadhsiiyo, kana soo qaybgeli doonaan dad badan oo isugu jira, abwaanno, suugaanley, qalinley, aqoonyahano, taasina waa mid ahmiyad weyn noo leh degmo ahaan ayuu yidhi”

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo shirka jaraa’id ka hadlay uu yidhi ” Sida guddoomiyuhu sheegay waanu uga mahadcelinaynaa xilqaanka hay’adda, dhanka dhiirigelinta bahda ciyaartoyga iyo iclaaminta Bookfair-ka oo qiime weyn u leh gobolka iyo degmadiisa Laascaanood, waana mid qofkii garasho lihi uu fahmi karo xigmada ku jirta, inta aqoonyahan , waayo arag, taariikhyahan iyo ee isugu imanaysa faa’iidada laga dhaxli doono, annaguna ka xukuumad ahaan waanu soo dhaweynaynaa, waanuna bogaadinaynaa hay’adda Svo”

Gudoomiyaha hay’adda wadaniga ah ee (SVO) Cabdikariin Siciid Aw Cabdi ayaa shaaciyay in ay sanadkan intaanu dhammaan inay ku qaban doonaan Magaalada Laascaanood _Lascanod_Book_Fair, waxaa kale oo uu ballan qaad bushaaro ah kag farxiyay kooxaha kubadda cagta ee Laascanood trtanku uga socod oo uu u ballan qaaday kooxda kaalinta koobaad gasha ee koobkaa ku guulaysata in ay u qaadi doonaan dalka aynu deriska nahay ee Itooboya gaar ahaan xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ay halkaa u gayn doonaan si y ciyaaro saxiibtimo ula soo yeeshaan kooxaha halkaa ka jira.

Ugu dambayn gudoomiyaha oo qorshayaashiisa horumarineed ee gobolka ay ka wadaaan ka hay’ad ahaan ka hadlayay ayaa yidhi.” Ujeedada kulankan aanu isugu nimid annaga oo ah maamulka Gobolka Sool, Maamulka Degmada Laascaanood iyo annaga oo ah maamulka hay’adda SVO, ayaa ah sidii aanu ula wadaagi lahayn bulshada hirgelinta qorshayaasha aanu hay’ad ahaan ku soo kordhinay gobolka iyo degmadiisa, kuwaas oo kala ah in aanu qaban doono ”Lascanod Bookfair” kaas oo aanu qabandoono 10/12/2019, run ahaantiina barmaamijkaa muddo ayaanu maamulka heer gobol iyo heer degmoba ka wada shaqaynayney sidii aanu ugu qaban lahayn caasimada gobolka ee Laascaanood waana mahad ILLAAHAY inuu maanta(shalay) noo marayo meel qaba gabo ah,isla markaana aanu soo gaadhnay inaanu ku dhawaaqno muddada qabsoomidiisa oo ah mid aanu isla meel dhignay maamulka gobolka, degmadiisa iyo ka qaybgalayaasha oo aanu bulshada u soo bandhigi doono, iyada oo sida lagu yaqaano gobolkeenu uu caan ku yahay taariikhda, gabayada iyo qoraayada Jamhuuriyada Somalilandna uu yahay gobolka ugu horreeya.”

Dhinaca kale gudoomiyaha hay’adda Cabdikaren Siciid Awcabdi,aya maamulka Gobolka Sool kadegmada Laascanood,wasaaradda ciyaaraha iyo warbaahintaba ku bogaadiyay suura gelinta iyo habsami u socodka tartanka ciyaaraha ee ka socda degmada Laascaanood oo meel xamaasad badan hadda maraya,waxaany yidhi. “Maamulka Gobolka Sool ee Laascaanood ka degmada,waxaaradda ciyaaraha iyo warbaahintaba waxaanu uga mahad naqaynaa tartanka ciyaaraha ee ka socda Laascaanood oo meelkasta oo caalamka ah looga daawanayo si toos ah taas oo ay saxafddu hirgelisay la iskana kaashaday,annaguna ka hay’ad ahaan qorshahayaga ayaanu ku darsanaynaa kagana qayb qaadanaynaa in aanu ballanqaadno kooxda ku guulaysata koobka in aanu ciyaar saaxiibtinimo ugu qaadno wadanka aynu deriska nahay ee Itoobiya , gaar ahaan maamulkiisa Soomalida, halkaas oo aanu marti qaad uga soo samaynay hay’ad ahaan annaga oo uga jeedna sidii ay uga korodhsan lahaayeen, waayo aragnimo, isbarasho, iyo kobcinta khibradooda oo dhisme ahaan qayb ka noqon doonta.

 

 

 

 

Leave a Reply