Talada Waddani: “Wallee Ama I Doorate, Ama Dadweynoow Daadku Idin Qaad”

0
608

Waagii beryaaba waayihiisa leh. Arbacadii, 23 October, iyo Khamiistii, 24 October, waxaan daawaday laba muuqaal oo laga soo duubay Afhayeenka Xisbiga WADDANI iyo Gudoomiyihiisa. Laba muuqaal oo dulucdoodu isku mid tahay. Laba muuqaal oo koobsaday aflagaado, hafar, hanjabaad (boolaxooftayn) iyo sharci-ka-afmiishaarayn. Uma soo gelin hadalka inaan uga jawaabo caydii, boolaxooftadii iyo colaad-ku-baankii ay odayaashaasi la soo gole tageen. Waayo cayda nin weyn ka soo yeedhaa isagay liidnimadiisa ka markhaati kacdaa!! Mar waxay muujisaa caqli yaraan, mar kale anshax darraan, mar kalena iltaal daraan!…”Nabad way kaa fogeysaa, colaadna wax kaagama tarto”…Hafarku waa diin, itaal iyo iimaan darro (la’aan)…Colaad-ku-baankana, marka aad gacalkaaga la dhex wareegto, waxaa seben hore si farshaxan sare leh uga jawaabay (hadday wax ku qaadanayaan labadan oday) wiil geeljire ah. Waxaa wiilkaas laga deyn waayey cirkaan soo ridaynaa oo ceelasha biyaha ee “Herer” iyo “Halaaya” waan duminaynaa oo dhulkaanu xagga kale u rogeynaa; aakhirkii markii boolaxoofto lagu dhega barjeeyey oo lagala hadhi waayey ayuu si laabta ka soo go’day u yidhi:

adduu “Herer” dumo, Oo “Hallaaya” gudho, Oy hareeridu, Hoosta ka engegto, Oo hadhyare qudhac, Hablo diirtaan,Oo higlada Bari,Libaaxu hadhgalo, Adaa hoogaye, Xaggeed hadh u dayan?!!

Intii aan ka odhan kari lahaa hadaladii xanafta lahaa ee ay madaxda WADDANI dadka u qaybiyeen, haatan, halkan kaga odhanmaayo. Laakiin, waxaan qalinka u qaatay inaan waajibkayga ka guto xil I saaran. Waa ilaalinta sharciga. Waa waajib dastuuri ah oo saaran Wakiilada ummadda. Waxaa waajib ah inaanu u kala caddayno wixii sharci ahaan umaddayadu ku muranto. Hadaladii labada oday waxaa iiga muuqatay mooganaan [ama ismaqiiqid] dhanka sharciga ah. Waa lama huraana in la is dul taago. Waayo, waxay si qaanuun ahaan kadeedan uga hadleen hawl uu hadda gacanta ku hayo Golaha aan ka tirsanahay, Golaha Wakiilada. Waa hawsha Komishanka cusub. Qaabka ay u hadleen waxay dad badan oo aanu sheeko-wadaag nahay u xaqiijisay ra’yi aan anigu hore u qabey balse, mararka qaarkood, muran laga hor keeni jirey. Aan san-gaabta idiin soo qabto. Fekerka aan qabay ee hadda is qorqoray [is muujiyey] wuxuu ku qotomaa laba tilmaamood oo ka dhex bidhaamaya dhaqan-siyaasadeedka ay ku shuraakowdey kooxdan WADDANI. Waa Sharci nacaybka iyo boolaxooftada [Nation Bullying]. Labadaa warsaxaafadeed ee ay soo saareen waxay si badheedh ah ugu tunteen Xeerarka Doorashooyinka, gaar ahaana, Xeer Lr. 20/2001 – oo ah Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka. Xeerkan waxaa lagu sameeyey wax-ka-beddel iyo kaabis, waxaanuna Gole ahaan ansixinay bishii koowaad [January] ee sannadkii 2017. Xeerkan waa markii labaad ee ay si muuqata uga hor yimaadaan, kana abuuraan khilaaf dhaawac ku noqonda qabashada doorashooyinka. Ku noqonmaayo dharaaro la soo dhaafay, waad ka dheregsantihiin in muddo sannad iyo badh ah WADDANI si baalmarsan Xeer Lr. 20 ugu murmayey in la kala eryo Komishanka hadda jooga. Taasi waxay dhalisay dibudhacyada ragaadiyey hawlaha doorashooyinka. Sababta keliya ee muuqata [cid waliba fahamsantahay] ee uu Cirro durayeyna ahayd inay Komishankaasi ahaayeen Guddigii qaranka masuulka uga ahayd doorashadii Madaxtooyada ee lagaga guuleystey!!…Berigii hore waxay ahaan jirtey “Wallee ama la I dooray, ama daadku I qaad”, haatanse, sida ii muuqata, WADDANI wuxuu u beddeley “Wallee ama I doorate, ama daadku idin qaad”.

Wixii hore iga tuur, bal aynu isku koobno faaqidaada murankan cusub ee WADDANI. Aynu laba u kala qaadno kuna salayno labada xubnood ee Komishanka cusub loo soo magacaabay ee xisbigaasi ku mergaday: Marwo Kaltuun iyo Mudane Riyo-raac.

Muranka WADDANI ee ku saabsan Xubinta Komishanka ee Marwo Kaltuun:

Su’aasha ina hor taalaa waxay tahay “Ma la magacaabi karaa xubin Komishanka Doorashooyinka hore ugu jirtey mar labaad?”. Jawaabtu waa masalo sharci. Muxuu qabaa Xeer Lr.20? Arrin muran geli kartaba maaha oo si qayaxan ayay ugu muuqataa Xeerka. Jawwabtu waa “HAA”. Xeerka Qodobkiisa 12aad, (1), (c) ayaa si cad u tilmaamaya inay hay’adaha soo xulaya Komishanku awood u leeyihiin inay mar kale [mar labaad] soo magacaabi karaan qof hore uga tirsanaan jirey Guddiga. Waxayna u dhigantahay sidan:

“C) Muddada xilka ee Komishanku waa 5 sano, oo ka bilaabmaysa marka Golaha Wakiiladu ansixiyo, waana loo cusboonaysiin karaa.”

Weedha ugu dambaysa qodobkan ee ah “waana loo cusboonaysiin karaa” waxay meesha ka saaraysaa doodda il-xayiiga ah ee ah ‘lama soo celin karo qof hore uga tirsanaa Komishanka’. Ku darsoo, waxaynu hore u ogeyn Mudane Cabdifataax oo Xisbiga UCID dhawr jeer oo isku xigxiga dib u soo magacaabay. Qaylo kama yeedhin. Waxay tani muujinaysa muranka WADDANI la daba socdo Marwo Kaltuun inuu yahay mid sharciga baal marsan, dhaqanka Soomaalida ee birmageydadana ka arradan.

Muranka WADDANI ee ku saabsan Xubinta Komishanka ee Cabdirashiid Riyo Raac:

Xubintan labaad ee Komishanka Cusub, si la mid ah tii hore, waxaynu u eegaynaa buugga sharciga, waxaynuna baadhaynaa muranka WADDANI muxuu Xeer Lr.20 ka qabaa?. Isla qodobkii 12aad xubinta (1) Xarafkeeda (d) ayaa tilmaamaya dadka aan loo oggolayn inay ka mid noqdaan Komishanka, waana sidan:

“d). Shaqaale dawladeed, xubin Baarlamaan, xubnaha Golaha Wasiirada, Ciidan Qaran iyo xubin xil u haysa urur/xisbi kama mid noqon karo Komishanka”

U fiirso. Wuxuu tilmaamayaa “xubin xil u haysa urur/xisbi”. Su’aashu waxay tahay, Riyo-raac maanta xil ma u hayaa Xisbiga Kulmiye. Jawaabtu waa “MAYA”. Sheekada WADDANI waxay ku urursantahay berigii doorashada ayuu la ololeeyey KULMIYE. Bal u fiirso, xubinta ay soo xusheen WADDANI. Xubintoodu tixgelinteedii kuma waayin ololihii ay xisbigaasi kala qayb qaadatay doorshadii Madaxtooyada. Cidna ma dafirsana, lagumana eedaynayo, in xubinta WADDANI, Dalmar, ahaa xubin firfircoon oo xisbiga Cirro budhtuure u ahaa xilligii doorashada Madaxtooyada. Labadaba isku xeer baa lagu maamulayaa. Sharcigaa oggol, waajibinayana in muwaadiniinta oo dhammi ka qayb qaataan doorashada. Waxay gudanayeen waajib dastuuri ah: inuu wax dooran karo lana dooran karo. Kala soociddu waa xaaraan. Riyo-raac sharci ahaan, karti ahaan iyo dhaqan ahaanba waa qof buuxin kara jagada loo magacaabay. Kuma waayi karo xuquuqdiisa nacaybka iyo jacaylka CIRRO iyo inta la olloga ah. Waxaa oggolaan kara, diidina kara, Golaha Wakiilada oo cod u qaada.

Alle magane, qaylada WADDANI waa mid saayid ah oo “si kale u socota”!! Waxaynu soo aragnay sida ay sharci jebinta iyo qarjajacda u tahay qayla-dhaanta Cirro iyo inanka afhayeenka u ahi saxaafadda mariyeen. Waxaase wax lagu qoslo ah in nin sidaas u hareer maray sharciga dalku ku faano inuu yahay macalin dhiga Sharciga!! Ninka Afhayeenka u ah CIRRO wuxuu ku baanay inuu “Parafasoor” sharciga dhiga!! Wuxuu jeesjees iyo borobogaande ka dhigtay Jaamacaddii iyo waxbarashadii. Miyaanay ahayn gef iyo anshax darro [moral and ethical misconduct] lagula kacay goob waxbarasho, sidoo kalena niyadjab ku ahayn ardayda uu sheegtay inuu wax baro. Bal ka warran ardayga qaba feker kiisa ka duwan ee uu ninkaasi sidaas qaawan u hadlayaa fasalka ku horjoogo. Miyaanay ahayn ayaan darro ku habsatay waxbarshadeenii. Aniga way ii caddahay inuu ka arradanyahay anshaxa aqoonyahanimada [Scholarly Ethics]. Ardayda aan u duceyno.

Haddaba, waxaan leeyahay siyaasiyiinta WADDANI, “aflagaadadu waa ku dheeraad anshaxa siyaasiyiinta”. Waa taas sababta afhayeenka xukuumaddu uga maagay inuu sidaad hadalka u dhigteen idiinla qaadqaado ee ku kelliftey inuu idin siiyo jawaab kooban, hufan oo aan ilbaxnimada [civility] ka dhaaran. Ha moodina in la idinka baqay. Wuxuu xeerinayey inaan la yooyootamin, wuxuuna ambaqaad u ahaa in tusaale wanaagsan loo noqdo faca soo koraya ee inna eeganaya. Laakiin wiilka Afhayeenka u ah WADDANI ma garan!! Waxaanse rajaynayaa in ay is waansan doonaan.

Gebagebadii, sida laga hayo xooggiisa-maal beeralay ahaa markuu faaggii ugu dambeeya marayo ee hawshii qodaalku dabayaaqo tahay, duco iyo nabaadiino xidhkiisii ayaan qormadan idiinku gunaanadayaa, oo ah:

Rabbiyow ha ina herein, Ha inna hooda xumaynin, Hedelkeenna ha baajin, Rabiyow hedelkeenna, Hadduudh uudle ka yeel!, Rabbiyow tacabkeenna, Tabantaabo samaatiyo, Talo khayr leh ka yeel, Heeeeee… heeeeee
yakh … yakh…. Heeeyn..

Wa Billaahi Tawfiiq

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi [Siraadle]

Golaha Wakiilada Somaliland

Tel/whatsApp: 00 252 63 442100

Email: smelmi2017@gmail.com

Leave a Reply