Xukuumadda oo Jawaab Adag ka Bixisay Hadal ka soo Yeedhay Madaxweynaha Garoowe

0
472

“Ninkaa tiisii ayaa khal khal ku jirta waxaana ka ordayaa maamuus ka xayuubin Gobolka Sanaagna gor-gortan kuma jiro”

“Somaliland waxay mashaariic horumareneed ka waddaa dhammaan deegaanada Sanaag Bari dhulka iyo dadkuna waa Somaliland”

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Maamulka Garoowe ee Soomaaliya oo sheegtay dhul ka mid ah dalka Somaliland in uu ka taliyo.

Wasiirka wasaaradda caddaalada Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdirisaaq Cali Cabdi (Saalax) ayaa ku sifeeyay hadalkii madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ee ahaa in Bariga Sanaag ay Puntland gacanta ku heyso, mid uu iskaga furfurayey xildhibaannada Baarlamaankiisa oo doonayay in ay Maamuus ka xayuubin ku sameeyaan.

Waxaa kale oo wasiirku uu tilmaamay in aanay jirin hal xafiis oo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku leedahay Sanaag.

Wasiirka wasaaradda cadaalada Somaliland mudane Cabdirisaaq Cali Cabdi (Saalax) isaga oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Nin oday ah oo xildhibaanadiisi ay mooshin xilka qaadis ah ku wadaan oo iskaga furfurayay ayaan anigu u arkaa, gobolka Sanaagna in aanu gor-gortan ku jirin cidkastaaba way ka warqabtaa, in aanay jirin meel gobolka Sanaag ah oo uu maamul goboleedka Puntland xafiis ku leeyahay, Denina wuxuu ku mashquuley ganacsiyo uu isagu leeyahay nidaamkiisii ayaa halis ku jira oo burbur ku dhaw.”

Wasiirka ayaa ka hadlay deegaano ka tirsan gobolkaas oo mashaariic hormarineed Xukuumadda Somaliland ay ka waddo iyo siday Somaliland dadkeeda ugu xidhan tahay ee ay ula joogto, waxaanu yidhi “Haddii aan kuu caddeeyo in Somaliland gacanta ku heyso Bariga Sanaag, Cawsane 16-km ayuu u jiraa Ceel-daahir, dhismayaashii iyo mashaariciihi kala duwanaa ee ay dawladdu dhisaysay ayaa ka socda, Dhahar waxay u jirtaa Qardho wax ka yar 30-km, deegaamaddaa inta ay mashaarico ka socdaan waa la og-yahay, Sanaag iska daaye gudaha Puntland ayaan laga jecleyn, markaa kiisii ayaa khalkhalsan kamana warami karo Deni meel kale, Somaliland na wax badan ayay la qabataa dadkeeda, waanay la joogtaa hase ahaate Puntland waxba ugama yimaadaan”

 

 

Leave a Reply