Aqoonta Baadhayaasha Ayaa Dilka Muujisay

0
454

Sanadkii 2010 nin lagu magacaabo Greg Flenikne oo degenaa huteel ku yaalla Texas dalka Maraykanka qolka 348 ayaa u dhintay xanuun gudaha jidhkiisa ah. Masuuliyiinta huteelka ayaa ku wareeray sida ninkan uu u dhintay iyagoo sharax ka bixin waayay waxa sababay geeridiisa madaama aanay jirin cid kale oo u soo gashay qolkiisa ama la deganayd.

Laakiin markii baadhayaasha CID ee aqoonta lihi yimaadeen waxay soo saareen in qolka ku xiga ay rasaas ka soo dhacday habeenkaasi ay asiibtay oo sabab u ahayd dhimashadiisa,rasaastaasi oo aan muuqan halka ay ka soo dhacday yaraanta awgeed.

Laakiin baadhista ka dib waxa la ogaadayin in habeenkaasi uu qolkaasi ku jiray nin aad u isticmaalay maandooriye kaasi oo isagoo ku ciyaaraya qorigiisa aan codka lahayn xabadi ka dhacday ka dibna ka dustay gidaarka meel aad u yar oo aan muuqan kuna began sariirta ninkan dhintay ee Greg, isla markiibana ay caloosha ka asiibtay. Iyadoo taasi sababtay xanuunka uu dhintay. Ka hor baadhitaanka cidna ma ogaan karayn sababta dilkaasi. Baadhista denbiyadu waa aqoon heer saraysa oo muujisa denbiyo aanay ogaan Karin dadka caadiga ah

Leave a Reply