Boqortooyada “Oyo” Ummaddii Agoonta Ahayd!

0
508

Tuuladana waxa loogu magac daray boqortoyadii Oyo , macnihuusana waa “ Oyo wuu soo laabtay” ama Oyo wuu soo kacay”. QIyaasta dhulkeedu waa 27 hector.  Waxaana ay ka soo jeedaa boqortooyadii Oyoto ee koonfurta Carolna ee dalka Maraykanka. Bulshada deegaanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda qaaradda Afrika.

Tuuladan Oyo eek u taalla koonfurta dalka Maraykanka waa dad asal ahaan African ah, waxaana ay leeyihin boqor xukuma oo degan guri aan loo samayn laydh io qasabadaha biyaha midkoodna. Dadka degan looma ogola inay ku hadlaan luqadda Ingriiisida wixii ka horeeya gelinka danbe ee maalinta.

Dadka ku dhaqan tuuladan waxay cunaan digaaga oo dhiigiisana ay cabaan. Waxaana ay aaminsan yihiin inay ku nool yihiin magaalo ka g’oan dalka Maraykanka. Waxaana wadooyinka laga galo ee dalxiisayaasha imanaya soo maraan ku qoran tilmaamo iyo digniino sida aad ula dhaqmayso bulshada degan tuuladan iyo boqorka oo xidha dhar dhaqameedkooda caadiga ah.

Dadkan halkan degani malaha aqoon iyo ilbaxnimada casriga waa dad badow ah. Tuuladana waxa degan dad gaadhaya 150 qof inkasta oo dadkii degenaa badankoodu ay iskaga haajireen sanadkii 1980  iyagoo degay magaalooyinka kale ee Maraykanka. Waxaana tuuladani ay noqotay goob lacagaha lagaga urursado dadka dalxiisayaasha ah. Wadooyinka laga galo tuulaan waxa ku yaalla tilmaamo iyo ogaysiisyo kala duwan.   (orphanednation.com)

Leave a Reply