Maalqabeen Iyo Taariikhdiisa Shaqo La’aanta

0
600

Jack Ma oo dalka China ka soo jeeda wakhtigan waa ganacsadaha ugu taajirsan qaaradda Aasiya, waana ninka 14aad ee dunida ugu maalqabeensan. Jack Ma  sanadkii 2017  ayuu kaalinta labaad ka galay abaal marinta la siiyo 50 hogaamiye ee dunida ugu wanagsan oo lagu bixiyo Newyorka ee dalka Maraykanka.  Jack Ma waa asaasaha Websiteka Ali Baba waxaana hantidiisu sanadkan 2019, ay gaadhay 38.5 Billion  doller.

Jack Ma wuxu noqday ganacsatada ugu waaweyn dunida uguna saamaynta badan.

Jack Ma intii aanu abuurin shaqadiisan wuxu codsaday soddon shaqo oo kala duwan in laga shaqaaleeyo laakiin dhamaantood waa laga diiday in la shaqaaleeyo, taasi ayaa ku dhalisay in sanadkii 1995 markii uu Inernetku sida weyn u faafay inuu bilaabo website Ali Baba. Mar uu ka waramay fikirkan waxa ku dhaliyay wuxu yidhi “ waxaan shaqo u doontay shirkad magaaladayda ku taalla KFC waxay qaadatay 23 shaqaale anigua waxaan ahaa kan keliya ee ay diiday inay hawlgeliso, wakhtigaasi waxaan goostay inaan sameeyo hawl aniga ii gaar ah, waana fikirka bar bilwoga u ahaa maalqabeen inaan noqdo.

Shirkii Viva Tech ee ka dhacay Paris sanadkan, ayuu gudoomiyaha fulinta iyo aasaasaha Alibaba, Jack Ma, wuxuu ku dhawaaqay inuu ku noqon doono shaqadii Macalinidaa. Isagoo hore u ahaa macalin luqadda Englishta ah, Isagoo sheegay inuu isu arko inuu yahay da’ yar oo 15 sano oo kale uu rabo inuu shaqada Macalinmada sii wadao ka dib marka uu ka fadhiisto sanadkan hawlaha maamulka Ali Baba.

Leave a Reply