Maxaad Biyaha Roobka U Kaydisay?!

0
483

Dalka Maraykanka waxa ka jira sharci xayiraad saaraya inaad biyaha Roobka dhaansato, kaydsato oo aad cabto, iyadoo arintaasi ay xidhiidh la leedahay in Roobku yahay hanti uu qaranku leeyahay.

Sanadakii 2012 nin lagu magcaabo Gary Harrington, oo da’diisu tahay 64 sano ayay dawladdu ogaatay inuu biyaha Roobka kaydsaday oo uu isticaamalayay muddo laba Toddobaad ah. Dawladda ayaa xidhay markii danbena maxkamada ayaa loo gudbiyay iyado denbigaasi lagu helay.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay 30 maalmood oo adhig ah, waxaana loo sheegay in biyaha qaranku leeyahay uu si tuugo ah u isticaamlay. Maxkamaddaasi ayaa ku taalla gobolka Oregon isagoo xadhigaasi ku qaatay jeelka.  Waxa kale oo isla sanadkaasi la xidhay nin lagu magacabo Karry oo isaguna muddo laba todobaad ah isticaamlay biyaha Roobka , iyadoo isaga loogu daray ganaax dhan $ 1500.

Leave a Reply