Shir lagu Xalinayo Xiisad Dhex-martay Laba Beelood oo ka Furmay Deegaanka Wada-jir

0
375

Qore Khadar M .Xaashi

Wada-jir (Dawan)- Deegaanka Wadajir oo ka tirsan Gobolka Selel, waxa ka bilaabmay kulamo lagu nabadeynayo shaqaaqo dhex martay laba beelood oo halkaasi wada dega, shirarkaasi oo ay hogaaminayaan xubno kamid ah Golaha wasiirrada Somaliland oo uu madaxweynuhu u xilsaaray xalinta khilaafkaasi oo sababay waxyeello nafeed oo soo kala gaadhay labada dhinac.

Guddidan wasiirrada ah oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Saleban Yuusuf Cali Koore, ayaa kulan foolka fool ah oo ka dhacay geed hoostii shalay isugu keenay Xidheyaasha labada dhinac ee ay dhibaabadu ku dhex martay, deegaanka Wada-jir, waxaana goob-joog ka ahaa Badhasaabka Gobolkaasi Selel.

Shirkan ayaa labada dhinac loogu jeediyey hadallo isugu jiro mahad-naq, waano iyo wacad xidh nabaddeed. Odayaasha labada dhinac ayaa dhankooda balanqaaday inay u hogaansamayaan qorshaha nabadeynta.

Guddoomiyaha Gobolka Selel Mowliid Maxamed Nuur oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay ayaa ku adkeeyey labada dhinac in ay tubta nabada ku soo dhawaadaan “Waxaan anigu u kacay laba qodob dhinaca dhibgeystaha waxaan leeyahay waar wixii dhibgeyste lagu yaqaaney ayaa maanta madashaasi lagaga fadhiya ee halaaga helo, dhinaca dhibanahana waxaan leeyahay, walaalkayow culeys ayaa kugu dhacay adna wixii dhibane lagu yaqaaney ee tanaasul lahaa ee xurmolahaa, ee dulqaadasho-laha adna halagaa hello”

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa uga mahad-naqay Odayaasha labada deegaan ee wax ka dhexeeyaan soo ajiibka kulankan “Waxaa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu ay noo soo direen in arrintaasi xalkeeda iyo dhibteedu aanay halkaasi dhaafin, oo aynu joojino, waxaanu uga mahad celineyna falkii dhacay in aanay dhib ku sixin, ee ay fadhiyeen oo ay sugayeen go’aanka xukuumaddu ay qaadaneyso iyo go’aanka cida dhibta geysatay ay u soo dhaweyneyso, oday waliba gurigiisi iyo reerkiisi iyo ubadkiisi ayuu ka yimid, oo uu duurka ugalay in arrintaasi xal lagu dhammeeyo fidnadii dhacday ayaa damiseen ILLAAHEY heydinka abaal mariyo, ka gudi ahaan waxaanu garaney in maanta leysa soo hor fadhiisto waxaananu anaga iyo ciidamada abniguba aanu gacanta ku heyna hawsha”

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha Saleban Yuusuf Cali koore oo ah guddoomiyaha guddidan wasiirrada ah, ayaa daboolka ka qaaday in qorshaha xukuumadda ee daminta shaqaaqadani ay tahay in si dhab ah looga gun-gaadho xaqiijinta nabad-gelyo waarta iyo in ay soo noqoto wada-noolaanshiyihii walaaltinimo ee ka dhexeeyey labada Beelood waxaanu yidhi “Teynu u fadhina maanta waxaa weeye, waxaad tihiin dhibane iyo dhibgeyste qoladda dhibta geysatay waxaa aanu ka rajeynaynaa oo aanu ka fileynaa sidii dhaqanku ahaa ee lagu yaqaaney in aad martaan wadadii dhaqanka aheyd ee lagu yaqaaney ee dhaqan, odayaasha dhibta loo geystay waxaanu aad iyo aad ugu amaaneynaa intii dhibtaa loo geystay in aanay wax dhiba ka daba geyn, culeyska ay arrintaasi xukuumaddu saareyso waad garaneysaan.

Waa markii labaad oo aanu nimaadno, aad iyo aad ayaanu dhab ahaantii u jecelahay in arrintaasi dhammaato, ILLAAHEY waxaanu ka rajeynaynaa arrinta aynu dhammaanteen isugu nimid in uu maslaxad ku dhammeeyo, dawladu waa ay idin jeceshahay ma jeclin in dhibi idin kala gaadho, ma jeclin in aanu idin kala raacno, mana jeclin in aanu cid dhinaca saarno, ma jeclin in aad colaadtantaan, Walaananu jecleyn, walaalayaal waxaa aanu idin noqoneynaa Markhaati, waxaanu idin noqoneyna dhex-dhexaadin.”

 

Leave a Reply