Xukuumadda Somaliland oo Xabsiga Dhigtay Ganacsato Ajaaniba

0
429

Qore Khadar M .Xaashi

Hargaysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay Xabsiga ku gurtay ganacsato Ajaaniba oo ka shaqaysanayay dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland mudane Maxamuud Mustafe Cali Bile ayaa sheegay in dadkaasi ajaanibta ahi ay furteen ganacsiyo kala duwan kuwaasi oo ay qaban karaan muwaadiniinta dalka u dhalatay, waxaanu sidan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska mudane Maxamuud Mustafe Cali Bile ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta xadhigooda keentay iyo dalalka ay u kala dhasheen ganacsatadaasi waxaanu yidhi “Dhawaan wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska cabasho ayaa uga timid ganacsatada, taasi oo ay ka cabanayeen ajaanib faro badan, kuwaasi oo ka ganacsanaya arrimihii ganacsi ee ay iyagu hayeen, ganacsatada soo cabatay waxaa ka mida kuwa Wajaale iyo Hargeysaba.”

Agaasimaha guud waxa uu sheegay in ay kormeer iyo u kuur gal ku sameeyeen cabashadaasi ka timid ganacsatada reer Somaliland, taasina ay tahay arrinta keentay in la soo xidh xidho dadkan ajaanibta ah, waxaanu yidhi “Wasaaraddu kormeer ayay sameysay waxaa ay tagtay Wajaale, halkaasi waaa aanu ku soo aragney ganacsato faro badan oo Ajaaniba, oo waliba Chines iyo kuwa kaleba ah, ganacsatadda Chines-ka ah oo ka ganacsanayay, ganacsigii uu ka ganacsanlahaa qofka muwaadinka ahi ee Somaliland, kuwaasi oo iibinayay Jumlad iyo Tafaariiqba, waxaaney meherado yar yar ka furteen Wajaale, ganacsatadaasi xukuumaddu waa ay soo xidh xidhay, kuwaasi oo isugu jira, Jayniis, Jarmal, Sudan, Boortaqiis, Yemeniyiin, Carab kale, Masriyiin intaba waa ay isugu jireen.”

 

Leave a Reply