Wasiirka Warfaafinta oo la Kulmay Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland

0
431

Qore:Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Maxamed Muuse Diiriye ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay madaxa xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa Mr. Stuard Brown.

Kulankaas ayaa ku saabsanaa xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee wasaaradda warfaafinta iyo xafiiskaas, hirgelinta xeerka saxaafadda Somaliland oo meel gabo-gabo ah maraya, taageerida kulliyadda Saxaafadda ee jaamacadda Hargeysa iyo illaalinta xorriyadda saxaafadda Somaliland, waxaana kulankaas wasiirka ku wehelinayay qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta.

Mr. Stuard Brown, madaxa xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa oo halkaas ka hadlay ayaa masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta ku ammaanay kaalinta ay kaga jirto dhamaystirka xeerka saxaafadda Somaliland iyo miisaaniyadda ay wasaaradda warfaafintu u qoondoondaysay kulliyada Saxaafadda labada sanno ee soo socda oo dhan, taas oo (Konton kun oo dollar ah), waxaanu sheegay in arrintaasi kaalin ka qaadan doonto kobcinta aqoonta saxafiyiinta Somaliland.

 

 

Leave a Reply