Madaxweynaha Somaliland oo Daah-furay Mashruuc Ballaadhan oo Koronto Lagaga Dhalinayo Tamarta Cadceedda

0
488

 

“Xukuumad ahaan waxaannu oggolnahay oo aannu ku dhaqmaynaa sida Dastuurkeennu dhigayo in dalka lagaga dhaqmo suuqa xorta ah.” Madaxweynaha Qaranka

 

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa caddeeyay in xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay in ay k dhaqmayso sida uu jideeyay dastuurka qaranku suuqa xorta ah isla markaana ka koriyo lana hurumariyo ganacsiga suuqa xorta ah

Waxaanu sidaa kaga dhawaaqay Madaxweynaha Somaliland daah furka mashruuc ballaadhan oo shiradda SOMPAWER ay ay caasimadda Somaliland ka hirgelisay oo ah adeeg koronto lagaga dhalinayo tamarta cadceedda oo madaxwaynaha Somaliland shalay xadhiga ka jaray.

Mashruucan oo laga hirgeliyey deegaanka Bacaado ee Waqooyiga caasimadda Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay xubno kamid ah golaha wasiirrada, hoggaanka Axsaabta qaranka, saamileyda shirkadda SOMPOWER, ganacsato iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxaana furitaankiisa laga jeediyey hadallo ku saabsan faa’iidada uu mashruucani guud ahaanba u leeyahay bulshada, shaqo abuurka uu keenay, daryeelka dhinaca deegaanka iyo baahida loo qabo in bulshada caasimadda ku dhaqani ka korto ku tiirsanaantii dhinaca korontada laga dhaliyo naaftada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa shirkadda SOMPOWER ku bogaadiyey dedaalka ay samaysay iyo dhaqaalaha badan ee ay mashruucan hirgelintiisa u hurtay, waxaanu ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan dedaalkooda.

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay xukuumad ahaan xil iska saareen hirgelinta suuqa xorta ah (Free market), islamarkaana ay aaminsan yihiin inuu hannaankaasi yahay mid lagu horumarayo, “Xukuumad ahaan waxannu oggolnahay oo aannu ku dhaqmaynaa sida Dastuurkeennu dhigayo in dalka lagaga dhaqmo suuqa xorta ah, dawladduna ay dadka u oggoshahay oo ay iyaga ku dhexdhexaadiso mooyaane farogelin mayso suuqa xorto ah, waayo tijaabadii caalamku waxay noqotay in suuqa xorta ahi yahay ka dalka horumariya, kaasaannu ku taagannahay oo aannu ku dhaqmaynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxaa kale oo munaasibadda daahfurka ka hadlay Madaxa shirkadda SOMPOWER, Mudane Cabdilaahi Cawad Cali oo munaasibadda furitaanka mashruucan ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalkii ay shirkaddu usoo martay hirgelinta mashruucan iyo dedaalka ay gelisay in la helo koronto laga dhalinayo tamarta dabiiciga ah ee cadceedda si loo yareeyo kharashkii badnaa ee bixi jirey.

Xubno kamid ah saamileyda shirkadda SOMPOWER oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sharraxay faa’iidada uu mashruucani bulshada u leeyahay iyo baahida loo qabo in mashruucan laga hirgeliyo meelo badan oo dalka kamid ah, si deegaanka loo daryeello, loona koobo lacagaha ku baxa korontada shidaalka laga dhaliyo.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Mudane Jamaal Caydiid, Marwo Edna Aadan Ismaaciil xubno kale oo kamid ah marti-sharaftii madasha ku sugnayd oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa bogaadiyey shirkadda SOMPOWER, waxanay kula dardaarmeen inay sii wadaan dedaalka ay ku jiraan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo xoghayaha guud ee xisbiga UCID, Mudane Axmed Xirsi Ducaale, ayaa iyaguna dhankooda hambalyeeyey shirkadda mashruucan hirgelisay ee SOMPOWER, waxanay ku adkeeyeen inay hoos u dhigaan qiimaha ay macaamiisha ka qaadaan, maadaama oo uu hoos u dhacay kharashkii shirkad ahaan kaga bixi jirey dab-dhalintu.

Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal oo madasha daah-furka ka hadlay, ayaa shaaciyey inuu mashruucani ku fadhiyo siyaasadda xukuumadda uu madaxweyne Muuse Biixi gadh-wadeenka ka yahay oo ah in dalka laga hirgeliyo mashaariic ku shaqaynaya Tamarta cusboonaata, si looga durko ku tiirsanaanta tamarta shidaalka laga dhaliyo, maadaama uu jidkaasi yahay mid dunidu waqti hore ka gudubtay, islamarkaana ay wasaarad ahaan hirgeliyeen siyaasad iyo xeerarkii lagu maamuli lahaa korontada dalka.

Mashruucan oo muddo laba sanno iyo badh socday, ayaa laga dhalinayaa koronto awooddeedu gaadhsiisan tahay 20 Megawatt (labaatan meegawaat), islamarkaana daboolaya 80% (boqolkiiba siddeetan) baahida koronto ee caasimadda Hargeysa taalla, waxana ku baxday lacag dhan $20,000,000 (Labaatan milyan) oo Dollar.

 

Leave a Reply