Tartanka Kooxaha Kubada Cagta oo laga Furay Gobolka Saraar

0
436

Qore Khadar M .Xaashi

Caynaba (Dawan) Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha mudane Boos Mire Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in la fulinayo ballanqaadkii madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi ee dhisitaanka garoonka magaalada Caynaba.

Waxaanu sheegay in miisaaniyadda Qaranka loogu darayo dhismaha Garoonka , islamarkaana bineyntiisa la bilaabayo sanadka cusub.

Waxaanu sidan ka sheegay furitaanka tartanka kooxaha Kubada Cagta gobolka Saraar oo si rasmiya u furmay

Wasiirka oo arrimhaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ballanqaadkii xisbigu waa ka koowaad, waxaa kale oo lagu shaqeynayaa qorshaha Qaranka ee labaad labadaasiba sidooda ayaa loo fulinayaa haddii ILLAAHEY yidhaaho, madaxweynuhu halkan wuu idiinku soo ballanqaaday, mar hore ayuu qorey waraaqdiisi.

Haddana miisaaniyadda ayaa lagu darayaa INSHA ALLAH sanadka cusub wuu inoo bilaabmaya garoonku, sidii uu ballanqaaday ayuu u fulayaa, looma baahna dhagax dhig danbe mar hadii madaxweynaha Qaranka mudane Muuse Biixi Cabdi amarkii bixiyay oo warqadii oo qoraalla uu soo saaray”

Leave a Reply