Guddoomiye Baashe oo ka Hadlay Xeer Mudaneyaashu Ansixintiisa ka Codeeyeen

0
370

Hargaysa (Dawan):- Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax,ayaa ka hadlay Xeer mudaneyaasha Golaha wakiiladu cod aqlabiyad ah ku diideen ansixintiisa.

Fadhigii   Golaha Wakiilada  Somaliland ee  oo  uu  Shirguddoominayay  Guddoomiyaha  Golaha  Wakiilada  Somaliland  Baashe  Maxamed  Faarax    ayay   Mudanayaasha  Golaha  Wakiiladu  cod  gacantaag ah ku diideen   meelmarinta  Xeerka     Macdanta Somaliland.

 

Xeerkan  Macdanta  Somaliland  oo  Mudanayaasha   Golaha  Wakiilada wax ka badal iyo  Kaabis ku  Sameeyay       ayaa  waxa  ay cod u qaadeen     Xeerka  Macdanta   waxaana  ogolaaday  in ansixiyo    22  Xildhibaan  waxaana  diiday  28  Xildhibaan  halka ay ka aamuseen  2 Xildhibaan  Guddoomiyuhu aanu codayn.

Guddoomiyaha  Golaha  Wakiilada    Baashe  Maxamed  Faarax oo  fadhigasi  soo xidhay    ayaa waxa uu sheegay  in  uu jabay  Xeerka  Macdanta  Somaliland   madaama   oo ay  Mudanaasha  Golaha  Wakiilada    diideen in uu meel maro  Xeerkaasi.waxana uu yidhi“Xeerka   Macdanta   Somaliland   qodobka  koowaad  ilaa  qodobkiisa   141  ee  xeerkaas   Waxa ogolaaday  22 Xildhibaabn 28  Xildhibaan  waa   diideen   labo  Xildhibaan  waa ka  Aaamuseen    Guddoomiyuhu muu codayn  sidaas ayuu  Xeerka  Macdanta  Somaliland  ku  jabay,”.

Haddaba warkaas oo muuqaal ah halkan hoose ka daawo.

Dawannews.com

 

Leave a Reply