Dibadbaxyo dumarka laga mamnuucay oo ka dhacay Pakistan

0
526

Kolonyo baabuur ah oo ay saaran yihiin rag wada gadh waaweyn oo lulaya calan midabbadiisu isugu jiraan madow iyo caddaan ayaa isugu soo baxay gudaha magaalada Islamabaad ee caasimadda dalka Pakistan.

Ujeeddada raggani ayaa ahayd in magaaladaasi ay ka dhigaan dibadbaxyo ka dhan ah dawladda ra’iisalwasaare Cimraan Khaan oo xilka haysay muddo ka yar 18 bilood.

Inta badan raggaasi dibadbaxyada dhigayay ayaa ka tirsan xisbiga islaamiga ah ee JUI-F, waxa ayna isaga kala yimaadeen daafaha dalkaasi Pakistan.

Debedbaxyadan ayaa aad uga duwnaa kuwa ka dhacayay daafaha kale ee caalamka, waayo dadka dibadbaxyada dhigaya kuma jiraan wax dumar ah.

Ka hor inta aan la shaacin dibadbaxaasi ayaa xisbigaasi waxa uu baahiyay qoraallo dumarka ka mamnuucaya in ay dibadaxyada ka qeybqaataan, taa bedelkeena waxaa lagu amray in ay guryahooga ku ekaadaan, ayna ragga dibadbaxyada dhigaya u soo duceeyaan.

Amarkaasi ayaa dhaqan galay, oo hal qof oo dumar ah laguma dhex arkin dadkii dibadbaxyadii ka dhacayay Islaamabaad.

Ka dib markii taageerayaasha xisbiga JUI-F ay Jimcihii soo gaadheen gudaha magaalada Islaamabaad si ay ugu biiraan xisbiyada kale ee dhigaya dibadbaxyada ka dhanka ahi dawladda, ayaa waxaa sida la sheegay soo baxay amar kale oo ah in gabdhaha weriyeyaasha ahi aanay iman goobta ay dibadbaxyada ka dhacayaan oo aanay halkaasi warar ka soo tebin.

Gabdho suxufiyiin ah ayaa laga hor istaagay in ay gudaha u galaan goobaha ay dibadbaxyadu ka dhacayeen, halka qaar kale ay sheegeen in la fowdeeyay oo ay ku khasbanaadeen in ay goobtaasi isga tagaan.

“Nin ayaa noo yimid, wuxuuna noo sheegay in dumarku aan halkan laga rabin oo aanay iman karin, sidaa awgeedna ay tahay in aan meesha ka tagno. Wax yar ka dib rag ayaa nagu soo xoomay, waxa ayna billaabeen in ay qeyliyaan. Waxaan ku khasbanaannay in aan goobtaasi isaga tagno,” ayay barteeda Twitter-ka ku soo qortay Shiffa Z Yousafzai oo ah gabadh weriye ah.

Hoggaamiyaha xisbiga JUI-F Maulana Fazlur Rehman ayaa sheegay in ay “ixtiraam weyn u hayaan dumarka”, sidaa awgeedna weriyeyaasha dumarka ahi ay ku martiqaadayaan in ay dibadbaxyadooda ka soo qeybgalaan “iyaga oo si wanaagsan lebbisan”, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee APP.

Dhanka kale, Naciima Kishwar Khan, oo xisbigaasi JUI-F u qaabilsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa, ayaa beenisay in dibadbaxyada xisbigeeda laga mamnuucay dumarka, waxa ayna difaacday maqnaanshaha dumarka ee dibadbaxyada xisbigaasi.

“Haddii aad eegtid ciidamada milatariga, furimaha hore ee dagaalka waxaa mar kastaa ku sugan ragga, dumarkuna safka dambe ayay ku jiraan oo waxay bixinayaan adeeg caafimaad,” ayay tidhi

“Dhaqdhaqaaqayaga waxa uu la mid yahay dagaal, xaaladda ayaa sii xumaaneysa. Haddii aanay sidaa ahaan lahayn, dumarku safka hore ayay ku jiri lahaayeen.”

Baraha xidhiidhka bulshada dalkaasi Pakistan ayaa waxaa markiiba ka billowday hadal haynta arrintan. Hase yeeshee Benazir Shah oo ah gabadh suxufiyad ah ayaa BBC-da u sheegtay in “go’aankaasi uu yahay mid u roon dumarka”.

“Dumarka dalkan uma ay baahna in ay ka qeybqaataan dagaal u dhaxeeya ragga, sidaa awgeed, dibadbaxyadani ayaa ah loollan u dhaxeeya ragga oo kaliya.

“Dibadbaxyadani ma aha dhaqdhaqaaq isbedel doon ah, sida kuwa haatan ka socdo waddanka Lubnaan oo ragga iyo dumarkuba ay u siman yihiin. Xisbiga JUI-F waxa uu doonayaa in uu xilka ka tuuro dawlad si dimuquraaddi ah loo soo doortay, waxa uuna adeegsanayaa wax kastaa oo suurtagal ah sida diinta oo kale. Dumarka dalkani ma aha in ay bog khaldan ka galaan taarikhda dalka.”

Maxaa keenay dibadbaxyadani?

Waa markii ugu horreysay oo dalkaasi ay ka dhacaan dibadbaxyo ka dhan ah ra’iisalwasare Khaan, waxaana dibadbaxyadani hoggaaminaya Maulana Fazlur Rehman oo uu loollan adag kala dhaxeeyo Khaan, waxaana sidoo kale taageeraya xisbiyada kale ee mucaaradka ahi. Jimcihii la soo dhaafay ayay ra’iisalwasaare Khaan u qabteen 48 saac oo ay tahay in uu isku casilo.

Cimraan Khaan ayaa lagu eedeeyay in si caddaalad darro ah uu ugu guuleystay doorashada sanadkii 2018. Hase yeeshee, kormeerayaasha reer Yurub ayaa sheegay in aanay jirin caddeyn muujinaysa in Cimraan Khaan uu ku shubtay doorashadaasi sandkii 2018-kii, balse waxa ay sheegeen in xisbiyada dhammaan aanay helin fursado isku mid ah intii lagu guda jiray ololaha doorashada.

Dadka ka soo horjeeda dawladda Khaan ayaa ka cadheysan xaaladda dhaqaale ee dalkaasi uu haatan wajahayo.

“Xilka kuma aanu iman rabitaan shacab balse waxa ay ku yimaadeen go’aan qof kale… marnaba uma adeegayaan shacabka balse taa bedelkeeda waxay doonayaan in ay qanciyaan shakhsiyaadkii keensaday,” ayuu yidhi Rehman oo la hadlayay taageerayaashiisa.

Hase yeeshee, dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda dalkaasi Pakistan ayaa qaarkood waxa ay sheegayaan in Rehman uu ujeeddo kale ka leeyahay dibadbaxyadan ka dhanka ah dawladda ra’iisalwasaare Cimraan Khaan.

Leave a Reply