Xukuumadda Somaliland Oo Shaqo Abuur Ganacsi U Samaysay Qoysas Danyar ah

0
770

“Waxaa la idiinka baahan yahay in hawsha la idinku caawiyay aad si wanaagsan u maamushaan oo meel sare aad gaadhsiisaan”… Madaxweyne ku xigeenka qaranka
“Waxaanu shaqo abuur u samaynay 55 qoys oo reer Somaliland ah oo goboladda dalkoo dhan ka kooban”… wasiirka shaqo gelinta

 

 

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa shalay daah-furay mashruuc shaqo abuur loogu sameeyay 55 qoysas danyar ah oo ka mid ah bulshadda danyarta ah ee Somaliland.

Qoysaskan danyarta ah ee mashaariicda maalgelinta ganacsi loo sameeyay ayaa goboladda dalkoo dhan ka kala yimid, waxaana barnaamijkaasi laga maalgeliyay miisaaniyadda wasaaradda shaqo gelinta.

Barnaamijkaasi waxaa soo agaasintay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland, iyadoo mashruucaasi laga maalgeliyay miisaaniyadda wasaaradda shaqo gelinta.

Munaasibadii lagu soo bandhigayay qoysaskan shaqo abuurka ganacsi loo sameeyay waxaa ka soo qayb galay wasiirrada wasaaradaha horumarinta maalgashiga, shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda iyo masuuliyiin kale.

Waxa kaloo madasha joogay saraakiil ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda shaqo gelinta, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Save The Children, NAGAAD.

Sidoo kale waxaa munaasibadda  ka soo qayb galay xubno ka socday shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay ee dalka ka hawl gala, wershadlayda, qaar ka mida hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah.

Ganacsato iyo maalqabeeno ajaanib ah oo maalgashi ka sameeyay dalka, kuwaasoo ay qaarkood wershado dalka ka hirgeliyeen halka qaarna ay mashaariic macdan baadhis iyo hawlo kale dalka ka wadaan.

Cabdiraxmaan Cabidlaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa wasaaradda shaqo gelin ku amaanay in dad danyar ah shaqo abuur ganacsi loo sameeyo.

“Waxaa maanta (shalay) sharaf weyn ii ah in aan ka soo qeyb galo shaqo abuurkan dadka danyarta ah ee ku filiqsan dhammaanba degmooyinka Somaliland.

Geesta kale  runtii aad iyo aad ayaan ugu hambalyaynayaa wasaaradu inay isku keentay dad kala duwan oo ka kala yimid degmooyinkii dalka, oo ah dad danyar ah,  oo la rabo in noloshoodii wax laga bedelo. Aad iyo aad baan runtii wasiirka iyo shaqaalihiisaba ugu mahad naqayaa”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenku.

Madaxweyne ku-xigeenka oo hadalka sii watay ayaa kula dar-daarmay dadka shaqo abuurka loo sameeyay in ay si wanaagsan u maamulaan waxa loo dhiibay, isla markaana ay horumar ka sameeyaan.

Cabdiraxmaan Saylici, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Kunka tallaabo, waxaa la yidhaahdaa waxay ka bilaabmaan hal tallaabo.

Ganacsadeyaasha aad maanta maqashaan ee lacagta badan haystaa, waxay halkaa ku gaadheen ILLAAHAY SWT oo ay talo saarteen iyo shaqada qofka oo dedaalay.

Arrintu kama soo hadho maamul, waxa yar ee laguu dhiibay, haddii aad si fiican u maamusho meel baad gaadhsiin kartaa.

Waxaa la idiinka baahan yahay in aad hawshaa la idinku caawinayo si wanaagsan u maamushaan, oo beritoole meel halkaa ka sarraysa aad gaadhaan”.

Geesta kale wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Hinda Jaamac Gaani, ayaa tilmaantay in kharashka shaqo abuurka loogu sameeyay qoysaskan ay ka maalgeliyeen miisaaniyadda wasaaradda.

Waxaanay tidhi, “Waxaanu shaqo abuurkan ka samaynay miisaaniyadda qaranka Somaliland, oo runtii ka wasaarad ahaan waxa noogu jiraa uu yahay wax kooban.

Haddii ay miisaaniyadu intaa ka badnaan lahayd-na, waanu ka badin lahayn shaqo abuurka. Waxaanu shaqo abuur u samaynay 55 qoys oo reer Somaliland ah, oo goboladda dalkoo dhan ka kooban”.

Wasiirku waxay sheegtay in dadka maalgelinta loo sameeyay ay u badan yihiin haween, taasoo ay sabab u tahay in dumarku ay inta badan horumar ka sameeyaan marka mashaariic noocan ah loo sameeyo.

“Waxay u muuqataa in dadkan maalgashiga loo samaynayaa ay u badan yihiin haween, sababta ay u bateena, waxa weeye, haweenku waa seeska guriga, gurigu-na sees la’aan ma taagnaado. Mar labaadka waa dad ku faro adag waxa ay helaan”ayay tidhi wasiirku.

Dhinaca kale  dadka loo sameeyey shaqo abuurka ganacsi oo ka kala yimid goboladda dalkan Somaliland min Selal illaa Badhan, oo qaar ka mid ahaa ay halkaasi ka hadleen ayaa soo dhaweeyay mashruucan maalgashi ee shaqo abuurka loogu sameeyay.

Waxaanay xukuumadda iyo wasaaradda shaqo gelinta ku ammaaneen hannaanka wanaagsan ee ay u sameeyeen mashruucan lagu maalgeliyay.

 

Leave a Reply