Safiirka Somaliland U Jooga Jabuuti oo ka Hadlay xidhiidhka Labada Dal

0
498

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Safiirka  Jamhuriyadda   Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti  Cabdifataax  Siciid  Axmed  ayaa ka hadlay    Xidhiidhka  ka dhaxeeya     dalalka Somaliland  iyo  Jabuuti.

Cabdifataax  Siciid  Axmed  oo shalay u Waramayay  qaar ka mid ah  Warbaahinta  ayaa sheegay in  Safaarada    Jabtuuti  fiisayso  Baasaaboorka  Somaliland isla  markaana  qiimo dhimis lagu  sameeyay  Fiisooyinka.

Cabdifataax  Siciid  Axmed  oo  arrimahaa  ka hadlayayna  waxa  uu yidhi“Xidhiidhka  Somaliland  iyo  Jabuuti   Maanta maalin  uu ka  Wanaagsanyahay  majiro  Safaaradayada  Jabuuti  waxay bixisaa    fiiseyaasha Somaliland    nasiib  Wanaag  intii  aanu  joognay  ee  Xukuumadda Xisbiga  KULMIYE,waxa  aanu ku guulaysanay  in  Baasaaboorka  Somaliland la  Fiiseeeyo  Sannadkan  waxa  yimid  Jabuuti  12  Wasiir  oo ka socday  Somaliland  mid kastaaba  dhigiisii ayuu la kulmay  qaarna  Madaxweynaha  Jabuuti  ayay  la kulmeen.wax badan  ayaan   Wadaagnaa   Jabuuti  Xidhiidh  Dhaqaale  Xidhiidh  Walaaltinimo  Xidhiidh  Jaarnimo  waxaanan uga  mahadcelinayaa  Dawladda  Jabuuti   Qiimo dhimis  lagu sameeyay Fiisooyinka ,”.

 

Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay.“Xukuumaddu  siyaasad ayay ka leedahay  ciddii  dhexdhexaadin  ka  samaynaysa  Somaliland  iyo  Soomaaliya  diyaarna way u tahay mar baa  jirtay  ay  Wada hadaladu hakad galeen,imikana  ciddii  aanu u arki karayno  in ay dhexdhexaadin samayn karayso  Xukuumaddu diyaar ayay u tahay.wadankay doonto ha noqoto ama  Jabtuubi  ha noqoto  ama    Wadamada kale  ee  Caalamka  ha noqotee in  Wada hadalada  la biloobaa  waa   muhiim    Jabuuti   waa wadanka  kaliya Somaliland  ka   furdaamin karaya  Soomaaliya  Mdaxweyne  Ismaaciil  Cumar  Geele  khibrad badan ayuu u leeyahay Arimaha    Geeska  Afrika  ka dhacaya ,”.

 

Leave a Reply