Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay in Madax-bannaanida Saxaafaddu Qayb weyn ka Tahay Qaranimada Dalka

0
468

Hargeysa(Dawan):-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa soo xidhay  shalay Kulan ku saabsan Xuska Maalinta Ilaalinta Xoriyada warbaahinta oo lagu qabtay Caasimada Hargaysa.

Kulankan oo ay soo Qabanqaabiyeen Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa Waxaa ka qayb galay dhinacyada ay wada shaqaynta leeyihiin warbaahinta waxaana muddo laba maalmood  ah lagu falanqaynayay xuska maalinta caalamiga ah ee cidhibtirka gefafka ka dhanka ah warbaahinta oo loo Asteeyay 02 November 2019, iyadoo dhinacyada ka qayb galay ay dood xoogan is weydaarsadeen.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan diyaar u yihiin sidii loo horumarin lahaa warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawlgasha isagoo ku dheeraaday Muhiimada uu kulankani lahaa.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in Xukuumada Somaliland ay ku niyadsan tahay xoriyada ay warbaahinta kala duwan ee dalku haysato waxaannu  xusay in haddii ay meesha ka baxdo xoriyada ay Saxaafadu haysato aanu dalku jiri doonin.

Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac waxa uu hoosta ka xariiqay in qaran ahaan aynu u baahanahay xeer dhammaystiraya dhammaan baahiyaha nololeed ee ay u baahan yihiin Suxufiyiinta Somaliland.

Wasiirku xigeenku waxaa kaloo uu sheegay inay sida ugu dhakhsaha badan uu xeerkaasi Xukuumadda uga soo bixi doono.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa Madashii shirkaasi ka soo Jeediyey Baaq laga soo saaray doodii labada cisho socotay.

Gudoomiyaha Ururka Solja ayaa Baaqa laga saaray Shirkaasi ku Yidhi sidan:-

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA isaga oo ka duulaya muhiimadda saxaafaddu u leedahay qaranka, isaga oo isha ku haya heerka xuquuqda warbaahinta ee Somaliland muddooyinkii u dambeeyay, isaga oo la tashi la sameeyay hay’adaha dawliga ah, kuwa madaxa bannaan, ururadda bulshada rayidka ah, masuuliyiinta hay’adaha warbaahinta iyo mihnadlayaasha saxaafadda waxa uu xuska maalintan awgeed u dirayaa baaqan cidda ay khusayso.

Leave a Reply