Wefti Ka Socda Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Oo Socdaal Ku Yimid Somaliland

0
466

“Waxaanu u nimid in aan kala tiiraanyoono dawladda Somaliland geerida taliyihii ciidamadda booliska”…wasiiru-dawlaha madaxtooyadda DDS Itoobiya

 

Hargaysa (Dawan): Wefti ka socda dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo uu hoggaaminayo wasiiru-dawlaha madaxtooyada Cumar Faaruuq Warfaa,  ayaa shalay soo gaadhay  caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Waxaana wasiiru-dawlaha madaxtooyadda safarkaasi ku wehelinayay wasiir ku-xigeenka Maaliyadda, dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, masuuliyiin ka tirsan laamaha ammaanka iyo saraakiil kale.

Weftigan ka socday dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya waxaa xarunta madaxtooyadda Somaliland ku qaabilay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

U jeedadda socdaalka ay Hargaysa ku yimaadeen weftigani ayaa ahayd inay qaranka Somaliland soo gaadhsiiyaan tacsida geeridii ku timid taliyihii ciidamada booliska Somaliland sarreeye Gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Tacsidaas oo ay sheegeen weftigu in ay ka sidaan madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe-Cagjar).

Wasiiru-dawlaha madaxtooyada dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cumar Faaruuq Warfaa, oo weftigan hogaaminayay ayaa faahfaahin ka bixiyay u jeedadda socdaalkoodda.

Waxaanu yidhi “Waxaanu nahay wefti ka socda dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya. U jeedadda socdaalkayagu-na wuxuu ahaa tacsi, aanu Somaliland ka tacsiyadaynayno taliyihii ciidamadda booliska Somaliland ee geeriyooday.

Anagoo ka sidna tacsidaasi, ugu horrayn madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya mudane Mustafe Maxamed Cumar, iyo dhamaanba shacabka ku dhaqan degaanka Soomaalida Itoobiya”.

“Waxaanan u tacsiyadaynaynaa, oo aanu halkan u nimid in aan kala tiiraanyoono dawladda Somaliland, oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, iyo dhamaanba masuuliyiinta kale iyo ciidamadii uu taliyaha u ahaa marxuumku ee uu ka baxay.

Waxa kaloo aanu uga tacsidaynaynaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku, oo aan leenahay ALLE Samir iyo iimaan haka siiyo, iyo bedel khayr qaba.  Waxaanan Marxuukana ILLAAHAY SWT uga baryaynaa in uu Jannadii Fardawsa ka waraabiyo”ayuu yidhi .

Geesta kale waxaa madaxweyne ku-xigeenka kulankaasi ku wehelinayay Af-hayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, iyo guddoomiye ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex Khadar  Cumar.

Leave a Reply