Wasiirka Warfaafinta oo Xadhiga ka Jaray Xarun Caafimaad oo Nooceedu ku Cusub Yahay Somaliland

0
455

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland  mudane Maxamed Muuse Diiriye,  ayaa xadhiga ka jaray xarun caafimaad oo loogu tallo galay  dib u dhiska jidhka .

Waxaana hirgalinta xaruntan caafimaad iska lahaa fikirkeeda, Dr Cabdiraxmaan Cismaan Xaaji Yuusuf.

Hadaba munaasibadii xadhigga lagaga jarayay xaruntaas, waxaa ka soo qayb galay, wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Maxamed Muuse Diiriye,, agaasimihi hore cisbitaalka guud ee magaalada iyo dadweyne tiro badan.

 

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta mudane Maxamed Muuse Diiriye oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Dr waanu ku soo dhaweynaa hawshan iyada ah ee aad halkan nooga qabatay, cidkasta oo wadanka wax ku soo kordhineysana waanu soo dhaweynaynaa, hase ahaate waxa ay soo kordhinayaan waa in ay tayo yeeshaan, sawirada halkaasi ka muuqdana markaan sidaasi u eego waxaan is idhaahdaa malaha Muruqyadaasi way kuwada hayaan, qalabka goobtan la keenayna waxaa uu inoo sheegaya baahida dalkan taalla aad iyo aad ayaanu ku soo dhaweynaynaa Dr”

Agaasimihii hore ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa Dr, Axmed Cumar Askar ayaa mulkiilaha xaruntaas caafimaad kula dardaarmay inuu bulshada Qiimo Jaban wax ugu qabto waxaanu yidhi  “Himiladaadii way kuu hirgashay waxaan leeyahay ILLAAHEY haku barakeeyo, adeegan Physiotherpy, adeegyadan waxaa yimaada dad jilicsan, kuwa yimaada waa dadka Faaligu ku dhaco, dadka shilalka ku dhaawacma, ee ama Koomadda gala, ama Maskaxda wax ka soo gaadhaan, dadka Jajabka iyo lugaha ay wax ka soo gaadhaan, dad kale oo waa weyn oo caafimaadkoodu wax iska dhimeen, waana adeeg joogto loogu baahan yahay, waxaana loo baahan yahay in si xirfad leh bulshada loogu adeego, waana adeeg u soo kordhay umadda Somaliland, waanad ku guuleysan doonta adeeganina waa uu ku hirgali doonaa, adeegyadaa dadku waa in ay heli karaan islamarkaana uu jaban yahay qiimo jaban lagu hello, dad badan ayaad ugu tagi doontaa tabarucaad kuwaasi oo aad daryeeli doonto”

Dr Cabdirisaaq Cismaan Xaaji Yuusuf ahna aasaasaha xaruntani caafimaad ayaa faahfaahin ka bixiyay adeeg bixinta caafimaad ee ay xaruntiisani bulshada u qaban doonto waxaanu yidhi “Adeegaan Physiotherpy macnaheedu waa ‘Dhakhtarka jidh dib u dhiska bini’aadamka’ iyo xannuunada bini’aadamka ee badan, xaruntan caafimaad ee aanu maanta(shalay) furney waxaa aanu adeeg ku siin doonaa, xanuunada neerfaha, sida Faaliga, xanuunadda Sanbabada, ee jidhka bini’aadamka saameeya.

Waxaa kale oo aanu xaruntan adeeg caafimaad ku siin doona carruurta Special Needska, ee baahiyaha gaarka qaba, miisaanka qofka bini’aadamka ah fuula oo aanu dhimni doono hadii uu u baahdo,qofkii jajab soo gaadho aanu jimicsi siin doono”

Leave a Reply