Waayo Aragnimada Iyo Guusha Diyaariye:

0
499

Axmed Adam Cali (Haybe)

Noloshu waxay qiimi ku leedahay markaad u dhabar adaygto dhibaatooyinka kula soo waajaha , hadaad noqoto qof niyad jab dhow oo guuldarada aan liqi karin ma gaadhid.

Inta aad ku jirto jidka ku gaadhsiinaya yoolkaaga waxa ka hor imanaya caqabado kala duwan oo ah kuwo adag iyo kuwo fududba.  Adkaysigaasi ayaa ah gaadhida guusha, waa inaanad niyad jabin, murugoon oo aanad sii jiifin halkii aad ku dhacday laakiin waa inaad kacdo. Guushu maaha halkii ugu danbaysay, fashilkuna marka uu kugu dhaco maaha dhimisho laakiin waa dhiirgelinta inaad sii wado dadaalka.

 

Leave a Reply