Golaha Wakiiladda oo la Kulmay Xubnaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka

0
443

Qore Khadar M. Xaashi

Hargaysa (Dawan): Xubnaha cusub ee Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee dhawaan la soo xulay ayaa shalay kulan la yeeshasy Guddi hoosaadka arrimaha gudaha iyo nabadgelyadda ee golaha Wakiiladda Somaliland .

Xubnaha Guddidan Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland oo bishii aynu soo dhaafnay ee Oktoober uu madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi u gudbiyey golaha wakiiladdda, ayaa ujeedada kulankan dhex maray labada dhinac waxa uu ahaa mid ay guddida arrimaha gudaha ee golaha wakiilladu ay ku qiimaynayeen xubnahan guddidan cusub ee doorashooyinka.

Guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha ee golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdillaahi Maxamed Cige (Balaki) , ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha ay kala hadleen xunaha guddida doorashooyinka waxaanu yidhi “Guddida arrimaha gudaha iyo nabad-geliyada, ee golaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland waxaa uu u yeedhay oo hortiina ka muuqda, xubnaha cusub ee guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ee uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u soo gudbiyay golaha wakiiladda, kuwaasi oo ka kala yimid goobihii iyo meelihii uu Dastuurku sheegayay in ay ka kala yimaadaan, lix xubnood ayaa hadda nala jooga, hal xubin ayaa maqan.

Guddida arrimaha gudaha iyo nabadgelyada ee golaha wakiilladu iyaga oo u cuskanaya qodobka 13-aad ee xeerka golayaasha deegaanka iyo madaxtooyadda iyo Koomiishanka Qaranka waxaa uu gudo-geli doonaa, hawlaha la xidhiidha shuruuda inay buuxiyaan guddidaasi, qof kasta oo ka mid ahi shuruudihii xeerku sheegayay in ay buuxiyeen iyo in aanay buuxin, guddidu marka ay dhammeystirto waxaa ay u gudbineysaa golaha. Hawshaas ayay guddidu hada gudo galeysaa.”

“Qofkasta oo ka mid ah guddida doorashooyinka gaarkiisa ayaa loogu yeedhayaa in uu shuruudihii buuxiyay iyo in kale, xubinta xisbiga WADDANI ee maqana Cv-giisi ayaanu hayaa, nidaamka ayaana la marinayaa” ayuu yidhi guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha ee golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdilaahi Maxamed Cige (Balaki)

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee Golaha Wakiilladu la yeesho guddida cusub ee ay soo xulleen Madaxweynaha, Asxaabta Qaranka iyo Golaha Guurtidu. Waxaana madasha ka soo xadiray lix xubnood, halka uu meesha ka maqnaa xubintii xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Leave a Reply