Wasiirka Waxbarashada oo Daahfuray Barnaamij Waxbarasho oo Midawga Yurub Ugu Deeqay Somaliland

0
468

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska jamhuuriyadda Somaliland mudane Cismaan Jaamac Aadan oo kaashanaya Midowga Yurub ayaa daahfuray Barnaamijka ERASMUS,, kaas oo isku xidhaya Jaamacaddaha Yurub, Jaamacaddaha Somaliland iyo Dugsiyada Farsamada Gacanta ee Dalka.

Barnaamijkan oo noqonaya fursad cusub oo waxbarasho, taas oo ardayda, macallimiinta Jaamacaddaha Somaliland iyo muwaadiniinta kale ee danaynayaa ay deeqo waxbarasho kaga heli karaan Jaamacaddaha dalalka Yurub.

Waxaaney wasaaradda waxbarashadu ay dadaal dheer u gashay sidii barnaamijkani ay Somaliland uga qayb noqon lahayd, sida dalalka kale ee Africa ee hore uga faa’iidaystay barnaamijka ERASMUS+ .

Dhanka kale, Khubaro ka socotay Barnaamijka ERASMUS+ ayaa munaasibaddi daahfurka ku soo bandhigay, macluumaad dhamaystiran oo la xidhiidhi barnaamijka, deeqaha waxbarasho, fursadaha ku jira, habka iyo hanaanka loo codsan karo.

Waxaana lagu iba-furay Jaamcadda Hargeysa, iyadda oo ay ka soo qaybgeen dhammaan madaxda Jaamacaddaha dalka Somaliland iyo aqoonyahano kale oo lagu soo casuumay.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland mudane Cismaan Jaamac Aadan ayaa daahfurkii barnaamijkani faahfaahin ka bixiyay ayaa waxa uu yidhi “Deeqaha waxbarasho ee Yurub ay bixineyso waa mid aad iyo aad mihiim u ah, oo Afrika inteeda badani ay ka faa’iideysatay inaga imika hadii leynoo keenay, waxaa aynu baahanahay in aynu sida uu yahay uga faa’ideysano, waxaan rajeynayaa in uu noqdo mid khuseeya horumarka Somaliland oo lagaga faa’ideysto oo dadka ka qayb gala ee soo barta ee mashruucaasi ka faa’ideysta ay Somaliland wax ugu qabtaan.

In gabdho iyo wiilalba si wanaagsan ay uga qayb qaadataan, kana soo faa’ideysataan, hadii aad halkan joogtaan iyo hadii aad halkaasi joogtaanba aad xasuusnaantaan had iyo jeer wadankiinu xaqa uu idinku leeyahay, siyaasadda Somaliland iyo Qaranimadeeda ay ka muujiyaan meelaha ay joogaan waa waajib lagugu leeyahay”

Leave a Reply