“Shahaadooyinka Dugsiyada Waxaanu Ka soo Daabacnaa Dalka Ingiriiska”

0
456

London (Dawan)- Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Daau’ud Axmed Faarax ayaa shaaca ka qaaday in ay shahaadooyinka dugsiyada dhexe iyo sarre ee dalka ay ku soo daabacaan dalka Ingiriiska, si loo ilaaliyo xafidnaantooda.

Shirkada TALL Security Print, oo xarunteedu tahay dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland iyo Jaamacado ku yaala Somaliland qeyb ka noqdeen macaamiisha ay u shaqeeyaan, ee ku tiirsan shahaadooyinka ay sameeyaan.

Mudane Daa’uud Axmed Faarax, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland ayaa xaqiijiyey inay ka soo iibsadaan shahaadooyin xafidan shirkadda TALL Security Print, afartii sannadood ee u dambeeyey.

“Shahaadooyinka dugsiyada dhexe iyo sarre waxaanu ka soo daabacnaa Ingiriiska. talaabadan ayaannu u qaadnay si loo horumariyo shaqada xafiisku qabto,” ayuu yidhi Guddoomiye Daa’uud. Isagoo intaasi raaciyey, “Cidna sifo khaldan uma daabaci karto, astaamahooda amni darteed.”

Sida lagu baahiyey Financialit.net maalintii doorraad, Mr Martin Ruda, Maamulaha shirkada TALL Group, ayaa yidhi, “Jaamacadaha iyo ardaydu way ku kalsoonaan karaan badeecadeenna, waxayna ogaan karaan inay si aqlabiyad leh uga aqbali doonaan adduunka loo-shaqeeyeyaasha mustaqbalka.

Meel kale oo qaaradda Afrika ah, TALL Security Print ayaa hadda daabacday shahaadooyin jaamacado kala duwan oo ku yaal Somaliland iyo shahaadooyinka Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland. Golaha loo yaqaan ‘KNEC (Golaha Qaranka ee Imtixaanaadka Qaranka Kenya’), waxay soo saareen qiyaastii 2M shahaadooyin noocyo kala duwan ah iyo sidoo kale shahaadooyin loogu talagalay LUANAR (Jaamacadda Lilongwe ee Beeraha & Kheyraadka Dabiiciga ah), Malawi.

Leave a Reply