Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo Beenisay Hadal laga Faafiyay

0
687

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan) Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland ayaa beenisay hadalo ka soo yeedhay hawl wadeen hore wasaaradda uga shaqayn jiray oo ka tegay.

Kaas oo wsaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta kalluumaysiga ka faafiyay warar aan sal iyo raad lahayn oo uu wasaaradda ku dhaliilayay.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Cali Xuseen Nuur oo shalay u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay hal wadeenkaa hore ee eedeeyay Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysigu in uu noqday siyaasi ka gudbay xeerka anshaxa shaqaalaha isla markaana marar badan uu ku kacay falal ka baxsan nidaamka u dejisan shaqaalaha dawladda iskuna dayay in uu shaqaalaha kiciyo oo uu ku dhex milo siyaasadda asxaabt qaranka.

Waxaanu intaa ku daray Agaasimaga guud in hawl wadeenkaa digniino badan o oaf iyo qoraal ba leh in la siiyay laakiin uu ku joogsan waayay isla markaana uu u hoggaansami waayay digniintii gudida anshaxa ee wasaaraddu ay siisay qoraalkii wasaaradda ee la siiyayna uu jeex jeexaya isla markaana uu is iskii ah shaqada wasaaradda uga tegay.

Agaasimaha guud oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Sarkaalkii Maalintii dhawayd hadlayay Toddobo sanno ayuu Wasaarada Xanaanada Xoolaha joogay waxaanu ka mid ahaa Shaqaalaha dhawr jeer lagu anshax mariyay khaladaad uu sameeyay oo ka baxsan Wasaarada Xanaanada Xoolaha,waxaanu ololeeyay Doorashadii Sannadkii 2017kii waxaanu ka qudbadeeyay qaar ka mid ah fagaarayaashii Xisbiyada Mucaaradka intaas oo jeer ayaa lagu wargeliyay digniino afka ah ugu dambayntiina iyadoo cidina Shaqada ka eryin ayuu cod saday in uu shaqada ka tago Wasaaradduna way aqbashay”.

Sidoo kale Cali Xuseen Nuur ayaa waxa uu sheegay in laf dhabar u tahay Dhaqaalaha dalka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga.waxaana uu yidhi “Waa laf dhabarka waddanku leeyahay Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Dhaqaalaha waddanka qayb ayay ka tahay,waxaaana tallaabadii ugu horraysay ee aanu qaadnay waxa weeye in aanu badda ka joojino Maraakiibtii khayraadkii badda halakeeyay manfac badan oo Xukuumaddu ku qabtay may jirin boqolkiiba labaatan ayaa laga cashuuri jiray Maraakiibtaa badda ka Kalluumaysan jirtay.waxaanan imika ku hawlannahay in sida neefka Xoolaha in aanu u iibino Kalluunka oo aynu ka faa,iidaysano,waxaana aanu la wareegnay Xarumaha Kalluunka oo dadka Shacabku haysteen gacanta dawladda ayaanu dib ugu soo celinay waxa kale oo aanu la wareegnay Xarumaha barafka kaydka Kalluunka Saylac Berbera iyo Maydh,”.

 

 

 

Leave a Reply