Duuliye Laga Mamnuucay Duulimaadka

0
422

Arintan ayaa ka danbaysay markii baraha bulshada lagu arkay sawirka haweenay  xidhan dharka caadiga ah oo ka tirsan rakaabka aya isku dhex sawirtay kursiga baylootka ee diyaaradda laga kaxeeyo.  Waxaana arintani sababtay cadhoweyn, maadama lagu xadgudbay xeerka badbaadinta rakaabka oo aan ogoleyn in qof  rayid ah loo ogolaado qolka duuliyaha.

Sawirkan ayaa ku baahay baraha bulshada Webo oo dalka Shiinaha laga isticmaalo.

Gabadha sawirka ka muuqata oo tilmaamaysa calaamadda faraha ee guusha ayaa qoraalkana ku raacisay sawirkeeda :”  Aadbaan ugu duuloyaha dayuuradda , aad ayaan u faraxsanahay “

 

Mid ka mid ah dadka isticmaala  Weibo-ga ayaa, waxa uu sheegay in sawirka lagu qaaday diyaarad raacsan shirkadda duulimaadyada Air Guilin, intii uu safarka dhexdiisa lagu jiray.  Waxaana uu dhaliilay shirkadda iyo sida aan waxba ugala socon in duuliyihii dayuuradda uu ku xadgudbay xeerka xuquuqda ilaalinta rakaabka.

Dad gaadhaya 20 kun qof ayaa muddoo yar ka fal celiyay arinkan, iyadoo gabdha sawirka iska qaaday ay markii danbe ka saartay barteeda oo ay soo dhigtay sawir kale. (independent.co.uk)

 

 

 

 

Leave a Reply