Genel Energ oo Kordhisay Maalgashigeeda Kheyraadka Shidaalka Somaliland

0
694

Cape Town- (Dawan)- Genel Energy ayaa la sheegay inay kordhisay maalgashigooda kheyraadka shidaalka Somaliland, ka dib markii ay saami dheeraad ah iibsatay.

Shirkada sahaminta shidaalka GENEL Energy oo todobaadkii hore ku soo bandhigtay shirweynaha Todobaadka Saliida Africa oo ka dhacay dalka Koonfur Afrika fursadaha kheyraadka shidaalka ee ku jira Somaliland ayaa saami dheeraad ah ku yeelatay boloog ku yaala dalka.

Sida lagu baahiyey shabakada Proactiveinvestor, oo xaruntiisu tahay dalka Ingiriiska shalay ayaa lagu sheegay in Shirkadda Genel Energy ka iibsatay shirkada East Africa Resource Group oo ay weheel ku ahaayeen bolooga ‘SL10B13 block’, oo ku yaal dhinaca badda Somaliland, Group’ 25% saamiga aan la shaacin, waxaana wakhtigan socda nidaamkii lagula kala wareegayey saamiga.

Fasiraadda xogta 2D-da ee dhul gariirka 2D oo ay weheliso falanqaynta aasaaska ayaa cadeeyay rajooyin badan oo xamaasad leh, oo midkastaaba lagu qiyaasayo inuu haysto kheyraad gaadhaya 200mln foosto oo saliid ah.

Barnaamij dheeri ah oo ku saabsan samaynta saliida dusha sare iyo lafagurista ayaa dib u soo celineysa jiritaanka nidaam batrool shaqeynaya ee bolooga, ayaa lagu yidhi war ka soo baxay shirkada Genel Energy.

 

 

 

Leave a Reply