KULMIYE oo Soo Dhaweeyay Ansixinta Xubnaha Gudida Doorashooyinka

0
478

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE ayaa soo dhaweeyay codkii Aqlabiyada ahaa ee Golaha Wakiilada Somaliland shalay ku Ansiyay lix Xubnood oo ka mid ah Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Xisbig KULMIYE Axmed Cabdi Dheere oo shalay u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in ay Sharci yihiin lixda xubnood ee gudida Doorashooyinka ee Golaha Wakiilada codka aqlabiyada ah ku meel mariyay, waxaanu usoo jeediyay Xisbiyada Mucaaradka ee WADDANI iyo UCID in ay u hogaansamaan Sharciga dalka u yaala.

Waxaanu yidhi Guddoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE.“Waanu Taageersanahay in Golaha Wakiiladu Ansixiyaan Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka waana Sharci waxa ay Ansixiyaan Golaha Wakiilada, cidda aan ku kalsoonayn Golaha Wakiilada ee leh Sharci maaha iyaduna Sharci maaha Komishan Qaran ayay yihiin lixdaaa Xubnood ee la ansixiyay Dawlad ayaynu nahay Sharciyaduna waxa ay ku habboon tahay in sideeda loo maro cid odhan karta Sharci maaha ma jirto,Xubnahaa Komishanka Doorashooyinka ee la ansixiyay, xubinta WADDANI ee Komishanka Doorashooyinka maalinta Baarlamaanku ansixiyo ayuu Sharci noqonayaa,”.

Mar uu guddoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE la hadlayay asxaabta mucaaridka waxaa uu yidhi. “Waxa aanu leenahay Sharciga ku soo noqda Xisbiyada Sharcina noqon maayaan hadday Hay,adaha Sharciga ku tilmaamaan in aanay Sharci ahayn,xisbiyo Qaranna ma noqonayaan waa hay,addii dalka ugu sarraysay Sharci dajintu markaa waxa aanu leenahay Xisbiyada Maucaaradka saaxada ku soo noqda.labo Sannadood ayaa Komishanka la isku haystanay Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE kuma jiro Cabdirashiid Riyo Raac Baarlamaanku muu ansixiyeen hadduu ku jiro Golaha dhexe ee KULMIYE waa Qof Muwaadin ah xaqbuu u leeyahay in uu ka mid noqdo Komishanka Doorashooyinka hadday soo celiyaan Baarlamaanka ku waanu u hoggaansami lahayn.,”.

 

Leave a Reply