Naftaada Ku Qanci Waxa Haysato!

0
577

Wakhtiyo badan marka aynu doonayno in arrin xukuno ama wax ka sheegno waxa ugu horeeya aan soo qaadanaa waa muuqaalkiisa guud, markaa haddii uu yahay shaygaasi mid aynaan inagu haysan qofka haystana aynu u arkaynu mid si fiican ugu raaxaysnaya waxaynu jeclaanaa helidiisa iyo haysashadiisa, hadduu yahay maal, magac iyo mansaba.

Xaqiiqduse waxay tahay in aynu muuqaalkiisa sare keliya aynu xukunka saaray, haddiise aynu ka warqabi lahayn xaaladda nololeed ee hoose ee qofka haystaa waxa laga yaaba in aynu Allah u mahadnaqi lahayn oo aynaan jeclaaneen helidiisa iyo haysashadiisa midkoodna.

Haddaba waxa fiican in  qof  kastaa ku qanco wixii Allah (sw) siiyay oo ku mahadnaqo isagoon waxba indhaha u taagin waxa qof  kale haysto, qanaacduna waa khasnad aan dhamaan.  Biyaha yari way ku nabad geliyaan, biyaha badana waaba lagu haftaa oo ku haligaa, maaha badnida xikmadu waa qanaacadda.

 

Leave a Reply