Safar Ku Dhamaaday Kharash Badan!

0
513

Wargeyska Daily Telegraph ayaa daabacay in nin u dhashay dalka Shiinaha oo doonayay inuu qoyskiisa kala qayb galo sanadka cusub ee dalkiisa ay ku qaadatay muddo 30 maalmood inuu ku gaadho magaaladii uu qoyskiisu degenaa oo u jirtay 300 Mayl. Wargeyska ayaa sheegay in sababtu ay ahayd in ninkani uu diiday inuu raaco tareenka isagoo sheegay in aanu nooligiisa aanu haysan oo qaali ku yahay.  Waxaana uu kaxaystay Mooto uu isagu lahaa.

Nasiib daro waxa uu ku lumay wadadii magaaladiisa isagoo ay iskaga khaldameen wadooyinkii laamiga faraha badan ee is wada goynayay. Waxaana uu u sheegay in dadkii uu weydiiyay inay u tilmaaman dariiqa magaaladiisa ay dhamaantood dariiq khalad ah u wada asteeyeen.

Waxaana uu jaray masaafad dhan 310 Mayl isagoo ambad ah. Ninkan ayaa markii danbe ee uu qoyskiisa u yimi sheegay inay ahayd safar aanu weligii arag iyo in kharashkii uu doonayay inuu ka badbaado ee Tareenka mid badan uu galay oo weliba ay u dheer tahay daal iyo dhaxan badan oo dhulka barafka ah uu dhex marayay.  Waxaana uu ku taliyay in marka safar la gelayo ay tahay inaad adigu si wanaagsan u taqaan dariiqa ama aad raacdo dad yaqaana dariiqa.

 

Leave a Reply