Xusuustay Badbaadintii Geesinimada lahayd

0
393

Dab demiyaha Mike Houges ayaa bogaga hore ee wargeysyada Maraykanka dhamaantood ku sawiraa subixnimadii hore ee sanadkii 1998. Ninkan oo ka tirsanaa kooxda dab demiska  ayaa galay guri ku yaallay magaalada Waashington oo dab ka holcayay si uu badbaadiyo ilme yar oo 9 bilood jirtay oo lagaga cararay dabka iyadoo ku jiifta sariirteeda oo taallay badhtamaha qolka  ololayay ee qof kastaa naftiisa kala baxsaday.

Odayga Mike ma ilaabin qisadaasi naf hurida ah oo ay ku dhici waayeen kooxda dab demiska inteedii kale ee faraha badnayd. Laakiin markii uu shaqada ka fadhiistay ayuu sheekada ku qoray Face book, waxaana akhriday gabadhii uu badbaadiyay oo u soo jawaabtay.

Gabadha ayaa ku martiqaaday inuu kala soo qayb galo xaflada qalinjebinteeda jaamacadda oo dhacaday sanadkii 2017. Muuqaal Video ah oo markii ay qalinjebisay laga duubay ayay iyadoo ilmanays ku tidhi “ Ma ilaabi doono Mike, haddii aanu sidaasi yeelin arinku wuxu ku dhamaan lahaa meel xun” , gabadhan oo lagu magacaabo Donyil Davezon ayaa  wakhtigaasi gacanta ku haysay wargeysyadii maalintaasi soo baxay oo uu ku sawiran yahay Mike oo ilmaha yar gacanta ku sida, markii uu ka soo badbaadiyay dabkii.

Leave a Reply