Sababta Ay Dad Badani U Dawarsadaan

0
430

Yurub iyo dalal kaleb waxa jira dad goobaha tareenada miisiga ku garaca oo maaweeliya inta tareenku soo gaadhayo istaanka, ka dib lacago ka weydiista dadka rakaabka ah ee sugaya Tareenka, Waxa kale oo aad u badan dad gidaarada iska fadhiya oo ku qorta boodh ay sitaan “waxaan ahay miskiin aan guri lahayn oo gaajanoya, isoo caawiya”. Dadka boodhka ku dawarsada ayaa aad loo caawiya iyadoo loo arko waxa uu sheegayaa inay run tahay.

Nin kuwaasi ka mid ah ayaa u waramay weriya waxaana uu sheegay inay isaga tani shaqo u tahay, waxaana uu yidhi “ Waxaan sudhay qoorta boodh waxaana aan ku qoray , waxaan ka mid ahay ciidamadii fiitnaam ku soo dhaawacamay dhibaato weyn aya wakhtigan iigu kordhay ee I caawiya”, isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi:  “ waxaan helay maalintaa todobaatan dollar, wuxuu intaa ku daray sidaa ayay igu macaanaatay welina waan dhex mushaaxayaa, waana aan ka hadhi waayay lacagta sida fudud adigoo iska fadhiya lagu siinayo”.

Waxa kale oo dhacday in Gabadh suxufiyad ahi maalin Jimce ah ay fadhiisatey mid ka mida masaajidada ugu waaweyn Sucuudiga, taasi oo dawaro halkaasi ka bilowday, waxayna maalintaasi oo keliya heshay laba kun oo Riyaal, taasi oo gabadhu ku shegtay in sababta ahayd baadhis waxa sabab u ah dadka badan ee  dawarada caadada ka dhigtay. Badanaa dadka dawarada caadaystaa waa kuwo shaqo ay u noqotay.

Leave a Reply