Ardayda Dugsiyada Dalka oo loo Sameynayo Kaadhka Muwaadinka

0
718

Qore Khadar M .Xaashi

Hargaysa (Dawan)- Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha mudane Cabdinaasir Caydiid Maxamed ayaaxafiiskiisa kulan kula yeeshay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska mudane Axmed Abokor Maxamed iyo xoghaya dawladda hoose ee Hargaysa mudane Axmed Yoonis Aadan (Juxa), xildhibaano ka ka tirsan golaha deegaanka caasimada Hargaysa iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan ayaa lagaga arrinsanayey, sidii wasaaradda arrimaha gudaha Somalilandu diwaangelin lahayd ardeyda wax ka barata dugsiyada caasimada dalka ee Hargaysa iyo sidii loo siin lahaa shahaadada dhalashada taas oo ay u xilsaaran tahay dawlada hoose ee Hargaysa.

Dhanka kale, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Md.Cabdinaasir Caydiid Maxamed ayaa xusayfaa’iidooyinka ka dhalan kara tallaabada ay ardeyda ugu samaynayaan diwaangelinta iyo shahaadada dhalashada waxaanusheegay, in arrintan aykeeni doonto inammniga la sugo,in ardeygu helo dhammaan dhokomantiyada sharciga muwaadinka oo u sahli kara in si sahal ah lagu aqoonsan karo.

Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha mudane Cabdinaasir Caydiid Maxamed ayaa faah’faahin ka bixiyey ujeedada ka danbaysa diwaangelinta ardeyda iyo bixinta shahaadada dhalashada (Taysarada),ayaa. Yidhi “Maadaama oo ay wasaaradda arrimaha guduhu u xilsaaran tahay, bixinta kaadhka muwaadinka reer Somalilandiyo shahaadada dhalashada oo ay dawladaha hoose ee dalku wakiil uga tahay bixinteeda ayaa waxa wasaarad ahaan muhiim nala noqotay, markii aan muddo badan lafa-gurnay, in aan diwaangelin ku samayno ardeyda dugsiyada dalka annaga oo kaashanayna hay’addaha dawliga ah ee ay arrintani naga dhaxayso, hadda waxan ku bilaabaynaa ardeyda dugsiyada gobolka Maroodijeex, sidaa awgeed, waxan maanta(shalay) xafiiskayga isugu yeedhay dhammaan masuuliyiinta hay’addaha dawliga ah ee ay arrintani qusayso oo ay ka mid yihiin, wasaaradda waxbarashada iyo sayniska iyo dawlada hoose eeHargaysa.

Falanqayn iyo lafagur dheer ka bacdi waxan masuuliyiintan, isla qaadanay, in aan ku dhaqaaqno fulinta hawshan qaranka muhiimada ballaadhan ugu fadhida, sidaa darteed, waxan maanta(shalay) xog-hayaha dawlada hoose ee magaalada Hargaysa Axmed Yoonis Aadan (Juxa) ku wareejinaynaa, shahaadooyinka dhalashada, si ay ardeydau siiyaan, ka dibna wasaaradda arrimaha guduhu u diwaangeliso oo ay u qaataan kaadhka dhalashada muwaadinka Somaliland, waxay arrintani sahlaysaa, in si fudud loo kala garan karo qofka muwaadinka ah iyo ruuxa ajaanibka ah. Sidaa darteed, waxan dhammaan waalidiinta iyo hay’adaha dawliga ah ee ay qusayso u soo jeedinaynaa, in ay nagala shaqeeyaan sidii arrintani u hirgeli lahayd”

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska mudane Axmed Abokor Maxamed ayaa isaguna halkaas hadal kooban ka jeediyay waxaanusheegay, in ay arrintan ay soo dhaweynayaan, waxaanu ballanqaadayin ka wasaarad ahaan ay kala shaqayn doonaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo dawladda hoose ee Hargaysa sidii arrintani u fuli laheyd.

Xog-hayaha dawlada hoose ee hargaysa Md.Axmed Yoonis Aadan (Juxa) oo isaguna munaasibadaa ka hadlay ayaa xusay, in arrintani muhiim u tahay qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu tilmaamayin ay dawlad hoose ahaan ay arrintaa dedaal badan gelin doonaan sidii ay u hirgelin lahaayeen.

 

Leave a Reply