Badhasaabka Sool iyo Maayarka Laascaanood oo Soo Kormeeray Waddooyinka Magaaladda

0
409

By: Khadar Cabdi Muuse

 

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo ay weheliyaan madaxda dawladda Hoose ee degmada Laascaanood ayaa shalay soo kormeeray jidadka magaaladda oo qaarkood bur-bursan yihiin oo ay adag tahay in gaadiidku maraan.

Waxa kaloo kormeerkaasi ku wehelinayay xoghayaha dawladda hoose ee Laascaanood iyo Injineero ka socday shirkadaha loo qoondeeyay in ay dib u dhis iyo dayactir ku sameeyaan waddooyinka magaalada.

Maayarka Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, ayaa sheegay in ay ka dawlad hoose ahaan ay dhawaan bilaabayaan dayactirka waddooyinkaasi.

Waxaanu tilmaamay in meelaha biyo fadhiigisa noqday ee waddooyinka ah inay doonayaan in ay wax ka qabtaan.

Waxaanu yidhi “Maanta (shalay) waxaan kormeer ku soo marnay waddooyinka magaaladda Laascaanood, oo meelo ka mid ahi ay biyo fadhiisi noqdeen.Waxaanan soo indha-indhaynay xaaladaha ka jira meelahaas. Haddii aanu dawladda hoose nahay, in aanu wax ka qabano ayaanu rejaynaynaa”.

Maayarka ayaa ugu baaqay bulshadda reer Laascaanood in ay ka qayb qaataan dayactirka la doonayo in waddooyinka lagu sameeyo.

“Dadweynaha xaafadaha deggen waxaa laga doonayaa saamigii ay kaga qayb qaadan lahaayeen.Dadweynaha reer Laascaanood ee xaafadahan degana waxaa loo baahan yahay in ay doorkoodda ka qaataan.

Haddii ay xataa wax kale waayaan xoog way kaga shaqayn karaan”ayuu yidhi maayarka Laascaanood.

Geesta kale badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa isna dhankiisa tilmaamay in jidadka bur-buray loo baahan yahay in si wada jir ah wax looga qabto.

“Waxaynu isugu nimi waa danteena.Waddooyinka Laascaanood waa meelaha ugu hal-bawlaysan ee ugu muhiimsan isu socodka bulshadda iyo dhaqaalaheedda iyo nidaamkeedda ka qayb qaadata.

Dadweynoow waa taas oo masuuliyiintii dawladdu way idiin dhan yihiin, wax danteena ah ayuun baana laga shaqaynayaa”ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waana in aad dawladda hoose-na la shaqaynsaan, waddooyinka-na ilaalisaan.

Wadooyinkaasi wax ka qabasho ayay u baahan yihiin deg deg ah in lagu sameeyo. Markaa isku tashigaa iyo in wax la wada qabsado nolosheena ayaa ku xidhan”.

Dhinaca kaleInjiineer ka socday shirkadaha dayactiraya waddooyinkaas ayaa tilmaamay in loo baahan yahay sidii qorshe looga yeelan lahaa biyaha mara waddooyinka oo uu sheegay in ay dhibaatadda ugu weyn ku keenaan.

 

 

Leave a Reply