Dalka Maraykanka Oo Noqday Dalka Ugu Badan Ee Ay Ka Dhacaan Xatooyadda Internet-ku

0
454

Waa warbixin dhowaan lasoo saaray oo loogu digay shirkaddaha waaweyn , sida Sam Sung, Huwaawi, Apple  iyo Google iyo shirkaddo kale oo lamid ah, kuwaas oo lagula taliyey in ay samaystaan Nidaamyo adag oo ay ku ilaalin karaan nabadgelyada macluumaadka shirkadohooda, waxaana lagula taliyey in ay marwalba ka digtoonaadaan taleefanadda kusoo dhaca, iyaga oo si joogto ah u bed bedelaaya xisaabaadka ay ku lee yihiin goobaha Bulshaddu ku kulanto Password-kooda.

Warbixintan oo ay diyaarisay shirkadda Lagu magacaabo Proof Point ayaa lagu soo daray qayb ciwaan looga dhigay Khaladaadka ay dadku galaan, waxaanay khubarrada warbixintan qortay ee shirkadda Proof Point sheegeen in ay jiraan khaladaad badan oo ay shaqaaluhu galaan , kuwaas oo u fududeeya dadka Internet-ka ama Computerka wax ku xada in ay soo galaan gudaha xisaabaadka shirkaddahaasi.

Daraasadda ay sameeyeen khubarrada shirkaddani ayaa lagu baadhay ilaa hal milyan oo fariimood oo shirkadahaasi loo soo diray , kuwaas oo maalin walba loo soo diraayey, waxaanay qaadatay fariimahan in shirkadaha loo soo diro muddo dhan 18 bilood, waxaanay 99% noqdeen weeraro ay dad aan la garanaynini ku doonayeen in ay ku jabsadaan bogaga iyo xisaabaha Internet-ka ay ku lee yihiin shirkadahaasi.

Waxa ay taasi keentay in shirkaddo ay kamid yihiin Google iyo Microsoft ay shaqaalohooda dib tabobaro ugu furana, iyaga oo baraaya nidaam ay isaga ilaalin karaan in ay si fudud u aqbalaan waxyaalaha loo soo diro iyo sidoo kale in ay download garaystaan macluumaad aanay hubin waxa uu yahay, iyada oo ay dadka macluumaadkan xadayaa donayaan in ay ka sameeyaan lacago .

Haddii aad furto fariin lagu soo diray ama ciwaan lagu soo diray , waxa aad inta badan ugu tegaysaa meel madhan, taasina waa khiyaano lagula helay ayaa lagu yidhi warbixintaasi .

Sidoo kalena shirkadda lagu magacaabo Legsees Negses ee baadhitaanadda ayaa daraasad ay samaysay oo ay dhowaan soo bandhigtay ku sheegtay in ay kordheen bilihii ugu dambeeyey weeraradda dhinaca Internet-ka ah ee shirkaddaha lagu qaado , kuwaas oo kordhay 10% ,waxaana weeraradaasi dhinaca Internet-ka ah lagu qaaday dad ashkhaas ah,shirkaddo iyo shaqaale kala duwan oo xog lagu tuhmaayo .

Hababkan wax loo dhaco ee Internet-ka oo lagu jabsanaayo Akoonadda iyo xisaabaadka shirkaddaha iyo dadka caanka ah ayaa dadka sameeyaa noqdeen shirkaddo oo kale, kuwaas oo maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaysa, siina awoodaysanaysa, waxaana marwalba u furma suuqyo kala duwan,iyada oo lagu galo dambiyo kala duwan, sida in xoolo lagu dhaco.

Dawladda Maraykanka ayaa noqotay dawladda ugu horeysa ee la kulanta Weeraradan dhinaca Internet-ka ah ,weeraradan ayaana ah kuwo kala duwan oo lagu qaado Shirkaddaha waaweyn, goobaha lacagaha lagu kaydsado, goobaha amaanka iyo Baananka waaweyn , taas oo ay shirkadaha cilmibaadhisaha sameeyey sheegeen in intooda badan ay suurto geliso qof shaqaale ah oo hab khaldan u furay fariin loo soo diray.

Leave a Reply